AKHRISO:-Shacabka Soomaaliyeed Oo Intiisa Badan Dhaliilay, Kana Soo Horjeestay Shirkii Kismaayo Iyo Qodabada Laga Soo Saaray.

0

Waxaa maalintii shalay ahayd oo ku beegan 11. 10.2017 soo dhamaaday shirkii maamul-gobaleedyada uga socday magaalada Kismaayo, kaasoo laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16 Qodob.

Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan waxaa ay markii horeba qabeen dareen xambaarsan welwel iyo cabsi aad u wayn ku saabsan shirka ay maamul-gobeleedyada ku yeelanayaan magaalada Kismaayo iyo wax ka soo bixi kara.

Dadweyne aad u fara-badan oo aan kula kulmay baraha ay bulshada ku kulanto ayaa isku raacay in qodabada laga soo saaray shirka Kismaayo ay yihiin kuwa Khilaafsan hadaladii qur-quruxda badnaa ee ay bilowgii shirka jeediyeen madaxda maamul-gobaleedyada, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano aad u wayn.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dhinaca siyaasadda oo aan si gooni-gooni ah ula kulmay, qaarkoodna aan khadka teloofoonka kula xiriiray ayaa dhammaantood isku raacay aragti midaysan oo ah in qodabada ka soo baxay shirka Kismaayo ay yihiin kuwo khatar ku ku ah qaranimada soomaaliyeed.

Waxaa shacab badan oo aan aragtiyahooda uruuriyay ay si isku mid ah u sheegeen in shirka Kismaayo iyo qodabada laga soo saaray ay yihiin kuwo fowda ah oo si toos ah loogu fara-gelinayo awooddii dawladda dhexe, kuwaasoo lagu fushanayo dana-gaar ah, isla markaana ay dabada ka riixayaan dalal shisheeye oo aan doonayn jirtaanka Soomaaliya.

Ugu dambayn waxaa shacab fara-badan oo soomaaliyeed ay isku raaceen oo madaxda maamul-gobaleedyada ku timaameen inay gabeen hawlihii loo igmaday, kuwaasoo aan waxba ka qaban adeegyada aasaska u ah nolasha deegaanada ay ka taliyaan, isla markaana ku mushquulsan sidii ay ku burburin lahaayeen qarinamada soomaaliyeed.

 

W/Q:Daahir F. Afdheere
Email.owsame1@yahoo.com