AKHRISO: Siyaasi Cali Daacuun “Raggii Kismaayo isugu tagay waxay u muuqdeen rag lafahooda u baqaya oo dhufays difaac qotay”.

0

Siyaasi Cali Daacuun oo ka mid ah dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa mar uu ka hadlayay shirkii Kismaayo lagu soo gabagabeeyay ee maamul goboleedyada waxa uu bartiisa Facebook kusoo daabacay  sidatan soo socota.

Shirkii Kismaayo

1. Waxa ka muuqday inuu jiray khilaaf dhexdooda ah gaar ahaan arrintii Khaliijka

2. Madasha dastuuri ma aha ee waxay sameesteen dawlad- dawlad ku hoos jirta.

3. Abdiweli ayaa wata fikirka madasha..

4. Ilaa la isku raaco dastuurka waa wareer hor leh.

5. Madasha waxay awooda ka qaadaysaa golaha wasiiradda.

6. Abdiweli wuxuu mathal isoo qaatay USA Governors Association. Lkn wuxuusan xusin in US Governors inaysan dalal shisheeye ah u QARAAB TAGIN.

7. US Governors lacag gaar ah ma daabacadaan.

8. US Governors ma garab socdaan awooda Madaxwayna USA.

9. Raggii Kismaayo isu tagay waxay u muuqdeen rag lafahooda u baqaya oo dhufays difaac qotay.

W/Q:- Siyaasi Cali Daacuun