DHAGEYSO+AKHRISO:- Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn.

Muqdisho, Oktoobar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

 

DHAMMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

AKHRISO:- Maxay u baahan yihiin Shacab weynaha waqooyiga Galguduud?
- Feb 19, 2018
Shacabka Waqooyiga Galguduud waa dad ay ku badan tahay daacadnimada, kuna weyn tahay Soomaalinimada, ...
Madaxtooyada Dawladda Puntland ka tacsiyaysay Geerida marxuum Boqor Cumar Ismaaciil Sanwayne
- Feb 19, 2018
 
Golaha wasiirada soomaaliya oo shir ku yeelan doona caasimada dalka & arimaha looga hadli doono
- Feb 19, 2018
Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo lagu wado ...
DHAGEYSO:- Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Minnesota Oo qabtay kulan ay dhaqaale ugu taageerayeen Ciidamada Xooga dalka
- Feb 19, 2018
kulan dhaqaale loogu uruurinayay Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis, ee Gobolka ...
DHAGEYSO:-Ururka ONLF oo war lama filaan ah ka soo saaray wada hadalkii ay itoobiya kula galeen Kenya
- Feb 19, 2018
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay wadahadalo u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalaya ...