FAALLO:- Golaha Iskaashiga Dowlad-Gobaleedyadda Awood Ma U Leeyihiin Hawlaha AMISOM

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland, Puntland, Hirshabelle iyo K/Galbeed waxay bishan October 8-dii ilaa 10-dii Shir ku yeesheen magaalladda Kismaayo oo Caasmad KMG u ah Maamulka Jubbaland, kaasi oo u muuqda mid ay kaga soo horjeedaan DFS ee ay Dowladaha Caalamka aqoonsan yihiin.

Shirkaasi waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16-qoddob, kuwaasi oo badankooda laga dhadhansanayo Go’aamo aan Qiil Lahayn.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Kulankaasi iska ahaa mid Laab-la-kac ah iyo Danno Siyaasadeed lahaa, waxayna Madaxda Maamul-gobaleedyadda isku muujiyeen Hoggaamiye-kooxeedyadda cusub ee Somalia.

Waxay si il-duufsi leh ugu tunteen Qaddiyadda Ummadda Soomaaliyeed, waxayna si cad u xaqireen Kaalinta DFS ee Talada Qaranka.

Kulanka Kismaayo ayaa u muuqda mid ay muhiimadiisu ahayd in Indhaha Bulshadda laga weeciyo Hadal-haynta Siyaasadda Hoggaamiyayaasha Goballadda  ee sheegtay inay taageersan yihiin Isbahaysiga  Imaaraadka iyo Sacuudiga.

 

Sama-jeclayaasha Bulshadda ayaa rumeysan inay Madaxda Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo K/galbeed ku turunturoodeen Masraxa Siyaasadda iyo inay iska lumiyeen Fursad ay DFS ugala doodi kari lahaayeen Mowqifka ay labada dhinac iska taageen Khilaafka Khaliijka.

War-murtiyeedka Madaxdaasi waxaa laga dareemi karaa inay socod-barad ku yihiin Qeexitaanka Axdi-qarameedka ee Awoodaha Hay’addaha Qaranka iyo kuwa Goballadda, waana ayaan-xumo inay Madaxdaasi s qaldan ku fasirteen Qoddobadda ay u cuskadeen War-murtiyeedka ay ka soo saareen Kismaayo.

Markaynu milicsano Qoddobka 16-aad ee War-murtiyeedkaasi waxay ku sheegeen inuu Goluhu dareen adag ka muujinayo qorshaha lagu yareynayo Tirada Ciiddanka AMISOM, waxayna ku baaqeen  in la kordhiyo Tiradooda.

Khubarada Sharciga iyo Milliteriga waxay amakaag ka muujiyeen Awoodaha Golaha Iskaashiga Maamul-gobaleedyadda ee ay ku gaari karaan Go’aano DFS oo keliya loo idmaday.

Sharci Caalami ahaan, DFS ayaa iska leh Awoodaha ay kaga hadli karto Hawlgalka AMISOM, balse aysan Madaxweyne- Gobaleedyadda lahayn awood ay ku laaci Karaan Figta Sare ee Awoodaha DFS loo idmaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamed nur says:

    Kuwaan weey kaliitaan weyna kasii xunyihiin hogaamiye kooxeedyadii waa dabadhilifyo ushaqeeya cadowga umada waxaana dhexdooda kamacaasha oo dalaalka ugu weeyn ah waa c.c.rashiid isagoo ok kuna kalsoon mooryaanta madaxweyne isku sheegayaasha iney udaran tahay dhuunta aanan quseeynin dad dal iyo diinba toona




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:- Abuukar Cumar Cadaan “Waxaa codsanaa in Duq Xasan Dahir Aweys la soo daayo”.
- Dec 11, 2017
Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Wareysi gaar ah ...
SAWIRRO:- QM oo ka hadashay doorashooyinka 2020 ee Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaranada Midoobay ayaa ka hadashy dooraashooyinka 2020 ee lagu qaban doono Soomaaliya. Danjiraha QM ee ...
DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku aaday dalka Turkiga.
- Dec 11, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...
DHAGEYSO: Wariye caan ahaa oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho
- Dec 11, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo ka ...
DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dec 11, 2017
Qarax Xoogan ayaa goordhow waxuu ka dhacay sida la sheegay Degmada Wadajir ee Magaalada ...