DHAGEYSO WARBIXIN : Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday deegaanno hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaalka culus oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, kaasi oo dhexmaray dagaalayahanada Al Shabaab iyo ciidamada ee ku sugan deegaanka Basra ee Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.

War qoraal oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 6 Askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, sidoo kalena ay ku qabsadeen intii uu socday dagaalkaasi 6 qoray oo ah AK47.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse xaaladda deegaanka Basra ayaa hada ah mid dagan, waxaana ku sugan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.