DHAGEYSO : Dowladda Talyaaniga Oo Xabsi Daa’in Ku Xukumay Muwaadin Soomaaliyeed.

0

Maxkamaddan oo ku taalla Magaalada Milan ee Dalka Talyaaniga ayaa xukun xabsi daa’in ah waxa ay ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay in uu dil, kusfi iyo jirdilo kala duwan u geystay tobanaan muhaajiriin ah, kuwaasi oo doonayay in ay gaaraan Xaabaha Dalka Talyaaniga.

Booliska Magaalada Milan ayaa xabsiga dhigay ninkan, kadib markii saaxiibadiisa oo tahriib ahaan ku tagay Dalka Talyaaniga ay warbixin u gudbiyeen Taliska Booliska.

Booliska waxa ay sheegeen in Cismaan Maxamuud oo 22 jir ah uu madax ka ahaa Xero muhaajiriinta afduub ahaan loogu heysan jiray oo ku taalla Degmada Bani Waalid oo qiyaas ahaan 100 maayl dhanka Koonfur Bari uga beegan Magaalada Tripoli.

Cadeymo la horkeenay Maxkamadda ayaa muujinayay in ninkan uu kufsi kula kacay dumar badan, kuwaasi oo tahriib ku tagay Xeebaha Liibiya, si halkaasi ay uga sii gudbaan Dalka Talyaaniga.

Maxkamadda Assizes ayaa waxa ay sheegtay in muwaadinkan Soomaaliyeed lagu xiray Magaalada Milan, kadib markii uu tobanaan kale oo muhaajiriin ah isku soo qariyay, islamarkaana uu sheegay in uu yahay Nin magangalyo doon ah.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku sugan boqolaal muhaajiriin ah, kuwaasi oo doonaya in ay gaaraan Xeebaha Talyaaniga, iyadoo xusid mudan in Warbixino dhawaan ka soo baxay Qaramada Midoobay lagu sheegay in muhaajiriinta ay dhibaatooyin kala duwan loogu geystay Dalkaasi Liibiya.