DHAGEYSO:- Aqoonyahan Liibaan Ciise oo falanqeeyay war murtiyeedka kasoo baxay shirkii Kismaayo kuna tilmaamay “Waa Qaran Dumis”.

0

War-murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxayna ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada.

War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha federaalaynta, dastuurka iyo xeerarka kale ee kasoo baxa dawaladda dhexe.

Hadaba War murtiyeedkan Maxaa nuxur ah oo ku jira? Muxuuse uga dhigan yahay khilaafka dowladda iyo Maamul goboleedyada?

Wariyaha VOA Maxamed Colaad Xassan ayaa su’aalahaas iyo kuwo kaleba weydiiyay Professor Liibaan Ciise oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, khadka taleefanka Muqdisho ayuu kula xiriiray.

HOOS KA DHAGEYSO