AKHRISO:- Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan “XALKA SOOMAALIYA WAA SOO DHAWAADAY”.

1

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook-ga waxa uu shacabka Soomaaliyeed kula wadaagay qoraal kooban oo cinwaankiisu yahay XALKA SOOMAALIYA WAA SOO DHAWAADAY!.

Qoraalka Xildhibaan Cabdi Faarax Xasan ayaa waxa uu u qornaa sidatan soo socota.

Waxaa muhiim ah in maamul goboleedyada wajigoodii dhabta ahaa ee la abuuray ay bannaanka keeneen, si waliiba degdeg ah.

Hadda waa markii aan jawaab u heli laheyn su’aalaha la xiriira Federaaleynta Soomaaliya oo aad looga warwareegi jiray:

S1- Federaalnimada Soomaaliya ma go’aan dadkeennu leeyahay baa mise dano kale ayaa ku dhex jira?

-Goorma dadka Soomaaliyeed go’aansaday inay nidaam federal qaataan?

-Halkee dadkeennu ku go’aansaday?

S2-Yaa xaq u leh go’aan ka gaarista federaalnimada, ma dadka Soomaaliyeed mise khaadimiin shisheeye iyo ciddey u adeegaan?

S3-Noocee federal ayaa ku habboon Soomaaliya haddii aan laga maarmi karin?

-Ma kan hadda la dhex taagan yahay oo aan aragno hab dhaqankiisa?

-Ma decentralized governance oo awoodda adeegga bulshada loo daadejinyo gobolada iyo degmooyinka?

-ma Counts ama Gobollo waaweyn oo leh awoodo heer dhexe?

S4-Maxaa ku kallifaya dadka Soomaaliyeed federalka lagu khasbayo?

-ma kala duwanaanshe diineed ayaa jira?

-ma midab ayaa lagu kala duwan yahay?

-ma luuqad (Af) kala duwanaanshaa jira?.

-ma dhalasho kala duwanaanshaa jira?

S5-Dadka Soomaaliyeed ma mudan yihiin in siyaasado dowlado kale loogu adeegayo lagu khasbo iyadoo muwaadinka laga gacan dhowrayo go’aan ka gaarista masiirkiisa?

S6-Soo ma caddaan shaqada loo abuuray maamulada?

S7- Soo lama gaarin xiliigii dib loo eegi lahaa jidka qodxaha iyo lugooyada badan ee aan ku soconno?

Waxaan jawaab ka rabaa cid kasta oo igu dhaanta waxaan ka hadlay.

Guuleysta dadkeygow

W/Q: Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan.

Comments are closed.