AKHRISO:- Ragga Kismaayo ku shiray inay Fashilmeen waxaa daliil ah.

0

Waxaan doonayaa inaan qoraal yar oo kooban ku dulmaro qodobadii kasoo baxay shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada iyo qodobada ay afka ku dhufan waayeen balse ah kuwa dhabta ah ee ay ku diidan yihiin in la helo Qaran Soomaaliyeed ee awood leh, waxaa xaqiiqo ah in ragga isugu tagay shirkii Kismaayo fashilmeen iyagoo aan Kismaayoba ka tagin.

Qodobada Fashiliyay waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

Qodobka 1-aad, Golaha Iskaashiga dawlad goboleedyada (GIDG) waxa ay gudoomiye u doorteen Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali.

A) Gudoomiye Cabdiweli Maxamed Cali oo sida aan wada ognahay ku fashilmay hogaankii maamulka Puntland, ragga gudoomiyaha u doortay ma kula tahay kuwo ka shaqeenaya ama doonaya in la helo Qaran Soomaaliyeed oo Quwad leh? waa halka ugu horeysay ee ay ku fashilmeen wejigooda runta ahna ay ku tuseen shacabka Soomaaliyeed.

Qodobka 3-aad, Golaha waxa uu ku adkeysanayaa in ay lagama maar maan tahay in wadatashi lagala yeesho maamul goboleedyada go’aamada masiiriga ah ee dhan walba ah gudaha iyo dibedba.
A) Macnahooda waa Golaha waxa uu si cad adekeysanayaa inay taageersan yihiin xulufada Isbahaysiga Sacuudiga, taas oo si cad ay u muujinaysa dambiga ay galeen.

Qodobka 7-aad Golaha waxuu walaac ka muujiyay xeerarka ama sharciyada sida joogtada ah ay u meel marineyso xukuumada iyadoon aan lagala tashan ama heshiis lagula galin maamulada.

A) Macnahooda waa boobka hantida shacabka yaan wax xeer ama sharci ah oo na qabanaya laga soo saarin, sidaan la wada soconana waxaa hadda horyaal Baarlamaanka sharciga la dagaalanka musuq maasuqa inay ansixiyaan iyo kuwo kale oo badan oo halis ku ah dadka wax musuq maasuqa.

Qodobka 16-aad, Golaha waxa ay dareen adag ka muujiyeen qorshaha lagu yareenayo tirada ciidamada AMISOM.

A) Macnahooda waa AMISOM ciidamadooda dalka Soomaaliya yey ka bixin oo hanoo joogaan, taasoo aan ognahay labada nin ee qoobkan sida aadka ah ugu ololeenayay ee kusoo darsaday meesha waa Axmed Madoobe iyo Shariif Sheekh Axmed.

Soomaaliya Ha Noolaato

Nabad & Nolol

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed