Sharafkii Soomaalinimo iyo Dawladnimadii oo dhab u istaagtay.

0

Dawlad nimadu maha wax ciyaar ciyaar ah.Dawladnimadu waa jiritaanka umadeed haday ahaan lahayd diinta oo la ilaaliyo,haday ahaan dadka oo la ilaaliyo amaankooda,haday ahaan lahayd dalka oo cadawga gudaha iyo kan dibadaba laga illaaliyo,markaa sina loogama maarmo dawladnimada.Hayeeshee markii soomaaliya ay wayday dawladii dhexe waxaa waayo aragnimadu ina baraysaa sida uu noqday dalkeenii iyo dadkeenii soomaaliyeed.Markii la waayay haykalkii iyo kala danbayntii dawladnimo waxaa ku dhacay shacabkii soomaaliyeed ee xurmada lahaa in lagu xad gudbay diintoodii,naftootii,maal koodii iyo dalkoodii intaba.

Waxaa ku xad gudbay wax ma garatadii iyo kuwii soomaali u liitay oo hubkii gacantooda galay,sida caruur iyo mooryaanta.Tani waxay sababtay in ay dilaan oo dhacaan cidkastoo ay markaa aan hubaysnayn.Caasimadii dalka soomaaliya MOGDISHO oo ay markii hore ku dhamaayeen oo wada daganaayeen umada soomaaliyeed oo u dooratay in ay MOGDISHO caasimad ka dhaxaysa u tahay umada soomaaliyeed,ayaa looga kala cararay beesha layiraahdo HIRAAB DAWLAD DIID. Dad iyo duunyaba markay xaaqeen ayay hadana kaga daba tageen kuwii u qaxay dagaankoodii sida shacabkii shabeelooyinka iyo baydhabo oo hada ah dawlad goboleedka koonfur galbeed,kuwii u qaxay kismaanyo iyo gedo oo hada ah dawlad goboleedka jubaland iyo kuwii u qaxay puntland intaba.Mar labaad bay deegaanadaas ka gaysteen xasuuq iyo dhac iyo kufsi aan xad lahayn oo lawada ogsoon yahay taariikhduna tiirisay.

Hayeeshee puntland soomaalidii daganayd waa is a baabuleen oo iska soo saareen wax magaratadii aragtita gaabnayd ee bililiqo doonka uun ahayd.sidaa si lamid ah baydhabo waa iska soo saareen inta is a baabuleen inkastoo illaahada qaybo dhan oo dhulka digil iyo mirifle ah ama dawlad goboleedka koonfur galbeed ah ay gobolo kamid ah haystaan HIRAAB DAWLAD DIID ilaa 1991-2017 nasiib daro.waxaana uugu wacan bay leeyihiin madaxda gaar ahaan beesha raxan wayn ee fadhigoodi yahay baydhabo ayaa hantidooda ay ku jirtaa gacanta HIRAAB oo ganaacsi baa ka dhaxeeya madaxa usareeya siyaasada goboladaas ahna madax waynaha hada koonfur galbeed SHARIIF XASAN.Sidaa daraadeed qiimo aad riqiis u ah ayuu shariif xili hore siistay koonfurgalbeed oo ka siistay beeshaa HIRAAB.Waa sababaha keenay in dhulkaan dadkiisu u kici waayeen oo isaga saari waayeen HIRAAB.

Dhanka Jubooyinka kismaanyo iyo gedo waa laga saaray inta lays a baabulay nasiib wanaag.HIRAAB ujeedadoodu waxay ahayd hadana tahay in aan dib danbe loo helin in MOGDISHO ay ka dhalato dawlad shaqaysa oo soomaaliyeed iyo inay ka dhaxayso oo loo sinaado MOGDISHO oo ay noqoto caasimad soomaaliyeed oo lawada leeyahay.Waxay HIRAAB marwalba loo dooranaayay madaxweynaha soomaaliyeed si bal markaa magaaladan ay u nabadeeyaan maadaama iyaga uun aydagan yihiin,oo soomaalidu tanaasul ayay sameeyeen.laakiin madaxnimadii lasiiyay HIRAAB waxay dhashay in ay xilkii loo dhiibay la aadeen wada khaldan oo macnahoodiiba noqday beeso iyo dhac iyo kufsi iyo mooryaanimo.waxayna u arkaan in ay helayaan faa iidooyin farabadan siday la tahay aqligooda yar ee indhoow araga ah.

Waxay haystaan hantidii caasimada umada soomaaliyeed mid guud iyo mid shacabka laga dhacayba
Waxay ku habsadeen dhul beereedkii dawlad goboleedka koonfur galbeed
Waxay toos u qaateen dhulkii direed ee biyamaal sida Bariire
Waxay baro kiciyeen oo dhulkoodii ka qaateen beesha jareer wayne shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe dagaankii jareer wayne.
Waxay u tartamaan iyagoo iska dhigaya soomaali siyaasada si ay dalka uugu hayaan waligiiba dawlad la aantaa
Waxay heleen lacago xaaran ah oo ay ka heleen xashiishadii lagu beeray shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ee ka dhoofaysay mogdisho
Waxay ku xiran yihiin maafiyada caalamiga ah oo wakiil u yihiin si soomaaliya loo sii lugooyo iyagoo eegaya lacag yar uun
Waxay ka siman yihiin in dalka soomaaliya aysan ka dhalan dawlad shaqaysa marnaba.

Soomaaliya cadawga gudaha iyo kan shisheeyaba maanta waa jabeen,dalkeenana ma jiri doonto in HIRAAB DAWLAD DIID hor istaago waana is ogyihiin mana naga fakan karaan!!
Shacabkii soomaaliyeed maanta waxay heleen dawladii ay mudada doonayeen oo ku soo dabaalaysay in qofkasta oo soomaaliya uu dalkiisa ku helo amaan,ah naftiisa iyo maalkiisa.in qofkasta oo soomaali ahi helo karaamo ciid iyo calan iyo dawladnimo buuxda sidii shalayba lagu yaqiin.beer baan haystaa iyo daroogaan beerayaa waa dhamaatay xiligeedii doqonise waa moog.lama haysan karo taako jareer wayne leeyahay,lama haysan karo taako biyaamaal leeyahay,lama haysan karo taako dhuleed oo digil iyo mirif leeyahay,Adeer dulmi waa dhamaaday xaqiibaa yimid.dagaalka aan hada galaynaana waa kan uufu fiican abid ee dalkeena ka dhaca waana laba saf oo kaliya waa safka wayn ee badan oo ah DAWLAD DOON iyo safka yar ee ah HIRAAB DAWLAD IID.Walaahi iyo billaahi iyo tallaahi in aan sina loowada joogayn soomaaliya ilaa lays edbiyo,nin hor istaagi kara dawladana majiri karo ilaa waa la sugayaa.

Dad yar oo inan gumeed ah in qarankii soomaaliya nusqarni hortaag naadaan oo soomaali u diidaan dawlad nimo iyo inay asaagood raacaan Adeer ma yeelayno.inay dadkii soomaaliyeed ku sheegaan qaarbaa nus ah iyo 4.5 diintii kharibaan dad iyo dalba rogaan Adeer layska yeeli maayo waa dhamaatay ninkii isasootaaga sharcigaan marinaynaa.

Dadka soomaaliyeed haday heleen waxay sugayeen oo ah dawlad ka shaqaynaysa danta diinta dadka iyo dalka soomaaliyeed.marka in aan illaahay caasino oo dawladeena difaacan wayno waxay noqonaysaa in caro allahaah inagu dhacdo.shacabka soomaaliyeed ha u istaago difaaca diinta iyo dalka marka horana cadawga gudaha edbintii weeye guushu shisheeye waxba maha waayo hade dhulka inaga leh isagu malaha.Dawlada soomaaliya waxay ka dhisantahay hada xag ciidan oo aan ahayn wixii inangumeedku cidan qaran ku sheegi jireen ee ahaa mooryaanta,balse ah ciidan isku dhaf ah sida Raysal Wasaaraheenu Mudane KHayre ka sheegay xarunta milatari ee dawlada turkigu inoogu taba barayso ciidankeena oo uu yiri ciidanku waa mid ka kooban dhamaan deegaanada soomaaliyeed.

Ciidamada cirka iyo kuwa lugta iyo kuwa bada oo si ka sareeysa ciidamada afrika loo tababaray qalabkoodiina loo dhamaystirayo ayaa hirgalay.dawladeenu lacag bay inoo soo samaynaysaa mar dhaw aad arki doontaan,aduunka oo dhan ayaa hada diyaar u ah in uu malaayiin doolar ku bixiyo dib u dhiska dalka soomaaliyeed.dadkeena soomaaliyeed shaqooyin bay helayaan,wax barsho iyo daryeel caafimaad oo lacag la aan ah mar dhaw.maxaayeelay dawladeenu waa mid dalka ka illaalisay musuqmaasuq oo shilinkii soo gala khasnada dawlada ku shubaysa oo aamin ah.Xasan sheekh baa 50ml kontan malyan oo magac soomaaliyeed lagu soo qaaday inoogu shubi jiray khasnada dawlada ee soomaali ka dhaxaysa? dawladan kahor yaaba ina yiri soomaaliyeey waxan ayaad leedihiin.

Waxa aduunku maanta inooga haybaysanayaa waa isqiimaynta iyo isku kalsoonaanta madaxwaynaheena iyo raysal wasaaraheena iyo madax badan oo soo raacda.hada jarmalka 200ml laba boqol oo malyuun bay soo hormariyeen waayo waxay ogyihiin in uu meesha joogo masuul aamin ah.Adeer dulmi waa dhamaaday soomaaliyana waa istaagtay oo soo ceshatay karaamadeedii iyo dawlad nimadeedii.sida qorshuhu yahay hada EITHIOPIA ayaa iska dhigta inay afrika xukunto oo madixii tahay laakiin afrika ciidanka uugu xooga badan ayaa ah kan soomaalida turkibaana dhisaaya.waxaa aad inoo sii caawinaya soo saarida shiidaalka oo ah dalka aduunka uugu shiidaalka badan ee abid la helay shidaal xadkaa gaara.

Waa ognahay dawladaha isku keen haystaa waxay ogyihiin ee lagu xisaabtamayo waa ognahay oo la soconaa.dadka soomaaliyeed dhib badan bay soo mareen laakiin hadaa illaahay faraj u furay oo siiyay dawlad nimo haday ku raaxay sanayaan dalkooda oo xajisanayaan dawlad nimadooda sharafkooda iyo karaamadooda.dadka shisheeyaha u shaqeeya,kuwa qabiilooyinka iyo shacabka ki cinaaya sida ay nabad sugidu u daba galeen ee nin walba caawa loogu raad joogo raali baan ka ahay waana sidaan rabay marhore.dadka soomaaliyeed oo nabad ah dalka soomaaliyeed oo difaacan dawlad nimo iyo nolol wanaagsan ayaan arkaa illaahayna ka rajaynaynaa inuu noo sii siyaadiyo.

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com