DHAGEYSO+SAWIRRO : AMISOM Oo Deeq Gargaar Ah Ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya

0

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Sahay Gargaar ah waxa ay kala wareegtay Taliska Midowga Africa ee AMISOM, taas oo loogu tala galay dadka ay Abaaruhu ku dhufteen.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maxamed Cali ayaa Warbaahinta uga warbixiyay in Gargaarkaan loogu tala galay dadka ka soo barakacay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Waxanaa uu xusay in xilligaan ay ku guda jiraan qorshayaal ay si deg deg ah Gargaarkaasi ugula gaarayaan dadka u baahan ee ku kala nool Gobollada Soomaaliya.

Dhanka kale Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Fransessco Madera oo maanta isna Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay dadka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab ay wajahayaan Xaalad Beni’aadanimo taas oo u baahan in Gargaar lala gaaro, isagoo carabka ku adkeeyay in ay dowladda Soomaaliya ka gacan siinayaan sidii Shacabka ku nool Goobahaasi loola gaari lahaa Gurmad dhan kasta ah.

Qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya ayaa dadka ku nool ay yihiin kuwa tabaaleysan oo u baahan Gargaar Samafal oo deg deg ah.