DHAGEYSO WAREYSI:- Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad Ee Baarlamaanka Galmudug oo sheegay inuu ka badbaaday isku-day Dil

0

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Galmudug ay u diideen inuu ka baxo Madaxtooyada.

Maxamed Aadan Maalin ayaa Xusay in Gaari uu watay ay Rasaas la dhaceen Ciidamada Madaxtooyada islamarkaana Gaarigiisa ay Lugihii ka banjariyeen,waxaana uu intaas raaciyay in Madaxtooyada Galmudug ay weli Xabsi guri ku yihiin Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo asagoo ah Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO