DHAGEYSO : Maamulka Shabellaha Hoose oo Ka Hadlay Weerar Lagu Dilay Al-shabaab

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose dhinaca amniga Cali Nuur Maxamed ayaa faah-faahin ka bixiyay rag la sheegay inay ka tirsanaayeen XarakadaAlshabaab oo rasaas kufuray gaari ay saarnaayeen dad shacab iyo ciidan isugu jira kaas oo marayay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka dagmada Afgooye.

Gudoomiye Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamada ay dawagal ay ku sameeyeen ragii dhacdadaasi geeystay baaritaano kadibna ay ciidamadu dabagaleen kadibna ay usuurta gashay in la dilo labo kamid ah ragii weerarkaasi geystay oo uu sheegay inay katirsanaayeen Alshabaab waa sida uu hadalka u dhigee.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay Saddex Qof oo Labo ka mida ay yihiin Odayaal .waxaynu wararku sheegayaan in Ciidamada dowladda ay la wareegeen Gaariga ay wateen ragii weerarkaasi geeystay iyaguna ladilay sida mamulka Gobalka ay warbahinta u sheegeen.