DHAGEYSO : Faah faahin | Rag Hubeysan Oo Weerar Ku Dilay Shaqaale Ka Tirsan Jaamacadda Mombasa.

0

kooxo hubeysan oo looga shakiyay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al Shabaab ayaa deegaanka Kwale ku dilay labo ruux oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in Rag hubeysan ay rasaas xoogan ku fureen gaari Bus ah oo ay la socdeen Arday iyo Shaqaale ka tirsan Jaamacadda Mombasa, waxaana halkaasi ku geeriyooday labo Dumar ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Jaamacadda.

Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay wadahii gaarigaasi iyo labo Askari oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya, kuwaas oo ilaalo u ahaa gaariga la wareeray ee waday Ardayda Jaamacadda.

Qof goobjooga ahaa oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in kooxaha weerarka qaaday ay gaarayeen illaa iyo toban ruux, kuwaas oo rasaas ku furay gaariga ay la socdeen Ardeyda, iyadoo ay isla markiina goobta ka baxsadeen.

Dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen weerarkaasi ka dhacay deegaanka kwale ee Gobolka Xeebta ayaa loola cararay isbitaalka, si halkaasi loogu daweeyo.

Ma cadda in Ragga weerarka geystay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, balse dagaalyahannada Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro ka geysta Gobolka Waqoooyi Bari ee dalkaasi Kenya.