Ganacsatada Kenyaanka Ah Oo Ka Faa’iiday Qaadka Iyo Badeecadaha Ay Keenaan Soomaaliya

0

Ganacsiga Badeecadaha ee ay Kenya u iib keenaan Somalia ayaa la sheegay inuu sare u kacay 6-dii bilood ee ugu horreysay Sannadkan.

Warbixin uu soo saaray Machadka Qaranka Kenya ee Istaastistikada ee KNBS ayaa lagu muujiyey in Badeecadaha Ganacsatada Kenya u soo dhoofiyaan Somalia ay korodhay 33% oo u dhiganta10.17 million oo Kenya Shillings ah.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in marka loo eego Ganacsigii  sannadkii hore, waxay Ganacsatada Kenya ka macaasheen Badeecadaha loo soo diro Somalia Kharaj dhan 8.03 Billion oo Kenya Shillings.

Machadku waxa uu sheegay inay Somalia kaalinta 3-aad kaga jirto dalalka Qaaradda Afrika ee soo iibsada Badeecadaha Kenya.

 

Warbixinta Machadka Istaastistikada Qaranka Kenya ee KNBS waxa kale oo uu xusay in Ganacsiga ugu badan ee maalin kasta loo soo daabulo Somalia yahay Qaadka, taasi oo Somalia ka dhigtay Suuqa keliya ee ay Ganacsatada Kenya si aadka ah uga macaashaan.

Sannadkii la soo dhaafay, Qaadka laga keeno Kenya ayaa noqday 90% guud ahaan Badeecadaha Kenya u soo dhoofiyaan Somalia.

Dowladdii Federalka Somalia ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay bilowgii bishii July ee sannadkii hore joojisay Qaadkii la keeni jirey Somalia, balse Kulan ay Labada Madaxweyne ku yeesheen Muqdisho ayaa dib loogu fasaxay Diyaaradihii qaadka keeni jirtey Somalia, iyadoo ay Diyaaradaha ugu badan Qaadka ka soo degaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.