FAALLO:- Shirka Kismaayo, Imaaraadka Carabta ama qarannimada Somalia.

Magaalada Kismaayo waxa isugu tagey madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo hadda u dhaqmaya sida hoggaamiye kooxeedyo cusub, ayaga oo u adeegaya dalal caddeystay inay dumiyaan qarannimada Soomaaliya.

Shirka Kismaayo, waxaa abaabulay islamarkaana qarashka ku baxaya iyo ajendeyaasha looga hadlayaba ay ka imanayaan dowladda Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta oo sanadihii dhowaa faraha kula jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa wacad ku maray inay burburiyaan dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay isku khilaafeen xisaadda ka dhex oogan dalalka carabta, oo dowladda ay dhex dhexaad ka noqotay, halka Imaaraadka ay doonayeen in iyaga la taageero.

Kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, tallaabadii ugu horreysa ee Imaaraadka waxay ahayd inay madaxda maamul goboleedyada ku qasabto inay ku dhawaaqaan inaay taageerayaan iyada, oo aysan raacsaneyn dowladda federaalka.

Hase yeeshee, maadaama maamul goboleedyada aysan lahayn wax awood ah oo ay ku qaataan go’aanno heer caalami ah, waxa ay taageeradooda noqotay mid aan saameyn lahayn.

Imaaraadka oo ka carreysan guul-darradaas, ayaa billaabay wajiga labaad ee dagaalka dowladda federaalka ah ee ah in lagu kiciyo maamul goboleedyada Soomaaliya, si dowladda looga dhigo mid ku kooban Muqdisho, loona tuso beesha caalamka inay tahay dowlad aan taageero haysan.

Ma ahan kaliya maamul goboleedyada, ee Imaaraadka waxay sidoo kale dalkooda isugu geeyeen madax hore oo ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid, oo wakil uga ah Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyo kuwa kale.

Qeyb dadkan ka mid ah ayaa ah kooxdii markii hore badda Soomaaliya iibiyey. Waxaa xusid mudan in shirkadda shidaalka ka baareysa badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ay 40% leeyihiin Imaaraadka, ayna qeyb ka ahaayeen saxiixii Kenya loo saxiixay badda.

Ka sokow iibinta badda Soomaaliya, Imaaraadka sidoo kale waxa ay mid mid ula wareegeen dekedaha Soomaaliya, ayaga oo qandaraas sanado badan ah ku qaatay, si looga hortago in dowladda Soomaaliya ay dekedaha ayada hormariso, taasi helis gelin karta dekedda Dubai iyo dhaqaalaha Imaaraadka kasoo gala.

Dhammaan dadka ku shiraya Kismaayo iyo kuwa la isugu geeyey Imaaraadka waxay ka mideysan yihiin hal arrin, oo ah in lacagtu tahay waxa kaliya oo ay yaqaanaan, oo aysan marnaba ka nixin qarannimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta qaladaad way yeelan kartaa, hase yeeshee inay noqoto dowlad dalalka shisheeye ay u yeeriyaan waxa ay sameeneyso ma ahan mid aqbali karti, ama awood u leh inay aqbasho. Xitaa Sacuudiga ayaa garowsaday in Soomaaliya ay hadda joogto xaalad aysan abuuran karin dalal cadow ku noqdo, oo ku saxneyd inay dhex dhexaad noqoto, waana taas sababta ay dhaqaale u siiyeen inkasta oo aysan taageero ka helin.

Shirka Kismaayo, waxaa laga filan karaa kaliya qodobo ka dhan ah dowladda federaalka, hase yeeshee shacabka Soomaliya waa inay is-weydiiyaan hal mid: Diyaar ma u yihiin in dowladda ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre la burburiyo, lagana soo billow eber, oo dowlad cusub la dhiso.

Haddii aysan diyaar u ahayn waa inay fahmaan in ayaga ay yihiin kuwa dowladda ay badbaado ka sugeyso, islamarkaana ay u kacaan inay iska celiyaan kuwa magac Soomaali la wadaaga, hase yeeshee maskaxda dalalka shisheeye, sida Imaaraadka ku shaqeeyaa.

Waxaa kale oo muhiim ah in shacabku fahmaan in shaqsiyaadka dowladda hoggaamiya ay joogaan waqti kooban, sidaa darteedna xitaa haddii ay qalad galaan ay dowladnimadu ka muhiimsan tahay, qasabna ay tahay in dowladooda curdunka ah taageeraan, inkasta oo hadda aysan muuqan qalad dowladdu ay ku yeelan karto go’aankeeda xiisadda khaliijka.

Bal dib u fiirso taariikhda dhammaan kuwa ku shiraya Kismaayo, imisa sano ay Soomaaliya dhibaato iyo horukac la’aan ku hayeen, weligaa ma aragtay ayaga oo qabta wax dan u ah Soomaaliya, ma hadda ay noqdeen wadaniyaal ka shaqeynaya danta qaranka? Haddii lacagta Imaaraadka ay isugu gaysay Kismaayo, ma kula tahay inaan ka filan karno wax aan ka ahayn cashar laga soo qoray Dubai iyo Abu Dhabi?

Soomaaliyey dowladdiina bad-baadsada.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Jabriil
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Abdirisaq says:

    Xorriyatul qawlka xaquuqdoda ayaa oggola ayaa odayaasha inay is arki karaan Wada shaahi karaan. Dano u gaar ah kala dhammaysan karaan. Wax muhiim ad siayaasdeed ama sharciyeed oo kulankaas Iyo waxa kasoo baxaba ay leeyihiinse ma jiro. Maadaama dawladdii dhexe ee qaranku aanay shaqo ku lahayn. Waddan kani laba aqal baarlamaan ka koobnaanta Iyo maxkamadda sare ayuu leeyahay Lala aadi karo wixi xukuumadda dhexe laga qoonsado. Laakiin maanta in dib dhaqamadi warlord yada Lala soo baxo waa nasiib darro. Waxaase xaqiiqo ah ha gaadho oo ha gabadh ee maalin in Nin waliba dalkaan denbiga uu ka galaa ay u qorantahay oo meel u taal. Maanta dawlad dhexe oo adag ma jirto macnaheedu ma aha dembigaadaada aan waqtiga ku habboon lagugu qaadayn

  2. Axmad Maxamad Cali says:

    waa hadal gotadheer waana in isha lagu hayaa gab gablayaasha Somalia udiidan inay hormar gaarto rabi waxaan kabaryayaa inuu makrigooda naga ilaaliyo shacabka somaliyed dawlada Somalia duulaan ayaa lagu soogaaday hurdada kakaca difaaca dawlada




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:- Abuukar Cumar Cadaan “Waxaa codsanaa in Duq Xasan Dahir Aweys la soo daayo”.
- Dec 11, 2017
Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Wareysi gaar ah ...
SAWIRRO:- QM oo ka hadashay doorashooyinka 2020 ee Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaranada Midoobay ayaa ka hadashy dooraashooyinka 2020 ee lagu qaban doono Soomaaliya. Danjiraha QM ee ...
DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku aaday dalka Turkiga.
- Dec 11, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...
DHAGEYSO: Wariye caan ahaa oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho
- Dec 11, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo ka ...
DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dec 11, 2017
Qarax Xoogan ayaa goordhow waxuu ka dhacay sida la sheegay Degmada Wadajir ee Magaalada ...