Soomaaliyeey Qabiil iyo Qaran mid dooro.

1

Labada erey ee aan is barbardhigay ma aha kuwo isu qalma sidaas awgeed mawaadhinka iimaanku ku denbeeyo oo qalbigiisa wadaniyadu ku qoyan tahay waan ka raaligelinayaa,laakiin kuwa aan la hadlayaa waa kuwa qalbiyadoodii qabiilku daxaleeyey,Allana aan uga baryaayo in uu ka daaweeyo .

Intaas ka dib khalalaasaha siyaasadeed ee maanta taagan baa igu kalifey qormadaan ,indhaha lagama qarsan karo mawaadhiga weli qalbigu u nool yahay inuu hadlaa waa waajib ee akhristayaal intaan iga hooya.

Waxaa ii muuqatay arimo dhawr ah oo xaalada Soomaaliya sii murginaaya oo ah sidaan;-

-Kuwo lacago daabacday oo tii laysku ogaa oo dalka ka socotay yiri lama qaadan karo,si tiisa been abuurka ah loogu bedelo Doolar.

-Waxaa laysku haystaa khilaafka khaliijdka oo DFS dhexdhexaad ka noqotay.

-Waxaa ii muuqatay in golaha shacabka iyo aqalka sare oo ah kuwii dawlad gobolyeeyada kawada yimid sharcigana aan u dhiibaney aan go,aanadoodu ka socon Maamul gobolyeeyada.

-Waxaa ii muuqatay in ay dalkii Soomaaliya ka samaysmeen dawlada siman oo jaantaa rogan ah.

-Waxaa ii soo baxay in Soomaaliya loo qaybiyey Jabhadihii Cadawgu u adeegsaday in ay dumiyaan dawladii Soomaaliya ee qaarada Afrika caanka ka ahayd dhan kasta,sida,SSDF,SNM,USC RRA iyo SPM,kuwaas oo cadwga ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay in aanaan ka kicin halka aan naalo maanta ,tilaabo kasta oo horay looqaadana hortaagan,ayyada oo hubka ay is ticmaalaan yahay qabyaalada.

Waxaa intaas dheer shaqsiyaad ku jira labada aqal oo xumaan kasta oo maamul gobolyeeyadu sameeyaan buun qabyaaladeed afuufa oo u sii kaba geliya intii uu difaaci lahaayeen sharciga ilaalintiisa loo wakiishay.

Isku soo wada duud Mawaadhinka iimaanka lahoow dalkaan difaaciisa u istaag,kana dagaalan waxa la yiraahdo Dawlad Goboleed,callamada badan iyo

madaxweynayaasha is garab yaaca ah ogowna federaalku in uu yahay qaybi oo xukun

Wabilaahi Towfiiq.

W/Q.Cabdullaahi Jimcale Faarax

Comments are closed.