SHEEKO:- GUULEED & GEELDOON “SOOMAALIYA MA LA GADEY MISE WAA LA XARAASHAY?”

0

Guuleed iyo geel-doon waa laba oday oo soomaali ah oo aad uga naxay tillaabada Soomaalida inteeda badanu dhibsatay ee laga sheegay Imaaraadka Carabta.

Waxaa hoos ka daawataa su’aalaha iyo jawaabaha ay isdhaafsadeen Guuleed iyo Geeldoon:-

Guuleed, Geeldoonow Soomaaliya ma la Gatay?

Geeldoon, lama gadane, waa la xaraashay.

Guuleed, maxaad uga jeedda waa la xaraashay?

Geeldoon’ maalmo ka hor waxaa maqleeynney in Dawladdu diiday siddeetan malyan, maanta waxaan maqleynnaa in qiyaasti wax sideetan malyan ka yar dalka lagu xaraashay.

Guuleed, marka ma waxaad i-leedahay Soomaaliya waa la af-gamiyey?

Geeldoon, maya ee waxaan ku leeyahay Soomaaliya waa la kufsaday.

Guuleed, yaa kufsaday?

Geeldoon, Rag tiro yar oo qarkood looga shaki qabay inay qarannimada xaraash la gaadayaan.

Guuleed, haddey tiro yaryihiin sidee dalka u xaraasheen, maxaa dadweynuhu u jiiri waayeen?

Geeldoon,Ha sugi waayin, salkood waa hooge, shacabka Soomaaliya kama liitaan kan Turkiga.

Guuleed, xaggee ayay taageero uga helayaan ficilkaan kuliggi ku sifaysan khaa’inul waddannimada.

Geeldoon, Waxay hiil ka sugayaa laba axad oo fulayaal ah.

Guuleed, oo waa kuwama labadaas axad?

Geeldoon, waa qabiil iyo laaluush.

Guuleed, Geeldoonow waxaan u qabay in ladaas laga ilbay ee wali ma shaqeynayaan?

Geeldoon, labaduba ciddi ku shaqeysata god dheer bay ku ridaan, laakiin markaasu waa maray dowladnimadii la aakhara tageen.

Guuleed, maa dowladda federaalka wax ka qabato?

Geeldoon, dawladdu wax kama qaban karto oo quwado waaweyn ayaa dabada ka riixaya.

Guuleed, ee ayaa waxka qabanaya?

Geeldoon, qabiilkii iyo laaluushkii ay iskuhaleyaan ayaa ugubbida (afweynta) goynaya.

Guuleed, ma dadkii Soomaaliyeed ayaa dantooda gartay?

Geeldoon, dadka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan, in ay marka hore dantooda dayacaan, laakiin marka dambe aad u raacdeeyaan.

Guuleed, maalmo ka hor waxaan maqlayey, dawlada carbeed oo soo jiidhay difaaca Maamul Goboleedyada oo la sarqaan-shey, ayaa dalka faragalin ku haya, haatanna waxaan maqlayaa isla dawladihii oo madaxda fedaraalka la qabsaday oo martiqaad iyo lacago ku waalay ee sidee wax u jiraan?

Geeldoon, waxaa ilaqumman in Aan arrintaas u dhaafno maah-maahyada soomaaliga ee oranaysa (caqli dawlad iyo indho quraanyo midna lama arko).

Guuleed, gormaa kuugu dambeysey madax lacag badan oo loo dhiibey iyada oo sideedii ah bangiga ku hambooriday (ku shubtay)?

Geeldoon, arrintaas u daa mid dhagaha shacabku jeclaysteen, raad arooryana dib haw-qaadin.

Waxaa soo abaabulay
Waxbadan Oge