Kumanaan Qaxooti oo ka soo cararay Yemen oo ku soo wajahan Somalia

0

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo ku sugan Dalka Yeman ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Hay’adda arimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midooby (UNHCR) aya sheegty in Qaxootiga Soomaaliyeed ay u dulqaadan waayeen faqri, gaajo , cudurka daacuunka iyo colaado ka jira Yemen.

Dib u soo celinta Qaxootigan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb qaadanaya Hay’adda dhanka socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay (IOM)

Qaxootigan intooda badan ayaa UNHCR waxey ku sheegtay in la geeyay magaalada Berbera.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay taageerida Qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay ku laabtaan Soomaaliya.

Waxaa war ka soo baxay Hay’addaha UNHCR iyo IOM lagu sheegay in labo doon lagu soo qaaday qaar ka mid ah Qaxootigan Soomaaliyeed.

Dhawaan ayee aheyd markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in ka badan 100 Ruux oo Qaxooti Soomaaliyeed ah in dib loogu soo celiyay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.