FAAH FAAHIN: Qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay ku dhawaad 20 Ruux

0

Ugu yaraan 18 Ruux ayaa ku dhintay Weerar ismiidaamin ahaa lagu qaaday goob lagu cibaadeysto oo ku taalla Dalka Pakistaan

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray 25 kale oo goobta ku sugnaa, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska.

Qaraxan uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa soo xirtay aya waxuu ka dhacay Degmada Jahal Magsi ee Dalka Pakistaan.

Ururka Taalibaan oo ka dirira Dalalka Pakistaan iyo Afgaanistaan ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Dalkaasi.