Al Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyay Dalka Mozambique

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Weerar ka dhacay Dalka Mozambique oo ay fuliyeen Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin Xarakada Al Shabaab.

Dableydan hubeysan ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig Ciidamada Booliska Mozambique ay ku leeyihiin Degmada Mocímboa da Praia ee Gobolka Cabo Delgado.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay ugu yaraan labo askari oo Boolis ah in uu dhaawac ka soo gaaray iska horimaad ka dhashay weerarkaasi qorsheysnaa.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in Raggii ka dambeeyay weerarkaasi ay horey u qaateen hub yaallay Saldhiga Booliska ee Degmada Mocímboa da Praia.

Weerarkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay sidoo kale ku dhinteen labo ka mid ahaa ilaalada Bankiga Millenium Bim.

Xaalada Degmada Mocimboa da Praia ayaa kacsan waxaana Booliska ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo ku aadan weerarkii ka dhacay halkaasi.