WARBIXIN: Maxaan fal argagixiso loogu tilmaamin toogashadii Las Vegas?

0

Stephen Paddock ayay booliiska Maraykanku u aqoonsadeen ninka gaystay toogashadii ugu dhimashada badnayd ee Maraykanka ka dhacda taariikhda dambe ee dalkaas.

Markii ay soo baxeen macluumaadka ku saabsan ninkii toogashada ka gaystay Las Vegas ee dilay 59 ruux, dhaawacana u gaystay dad ka badan 500 oo ruux, online-ka waxaa ka billaabatay dood ku saabsan sababta aan Stephen Paddock loogu shaambadaynin argagixisanimo.

Taas badalkeedana 64 jirkan dadka ka soo toogtay dabaqa 32aad ee huteelka Mandalay Bay isaga oo laayay dad bandhig faneed kaga qaybgalayay barxad habeenkii Axaddii, saxaafaddu waxay ugu yeertay “qof kaligii duulayay” “awaw”, “nin khamaar ciyaari jiray” iyo “xisaabiye hore” laakiin erayga argagixiso maysan adeegsanin.

Wali ma ogin waxa Stephen ku qaaday in uu weerarkaas khasaaraha badan gaysto. Mana jiraan calaaqaad uu la lahaa argagixisada caalamiga ah oo la ogaaday, lamana xaqiijinin in uu dhimirka ka xannuunsanaa.

Haddana dad badan ayaa baraha bulshada ku soo qoray in haddii Stephen uu Muslim ahaan lahaa in erayga argagixiso markiiba lagu shaanbadayn lahaa, iyadoo argagixiso Islaam la xiriirta loo saarin lahaa, xataa iyada oo aan wax caddayn ah loo haynin.

Dad badan oo magac leh, kuwo TV yada ka shaqeeya iyo aqoonyahanno ayaa falanqeeyay sababta aysan hadda taas oo kale u dhicin ee aan dilaaga argagixiso loogu tilmaamin.

Sharciga gobolka Nevada “falka argagixisada” wuxuu ku sharaxayaa sidan soo socota: “ficil kaste oo rabshad la adeegsado iyadoo looga golleeyahay in jidh ama jir banii’aadan dhibaato lagu gaarsiiyo ama si guud loogu laayo bulshada”.

Faderaalka marka la eegana Maraykanku wuxuu ku qeexaa “argagixisada gudaha” ficillada saddex shuruudood buuxiya “in uu halis ku yahay naf banii’aadan taas oo liddi ku ah shuruucda faderaalka ama midda gobollada”, kuwa hadafkoodu yahay baqdin galinta, ama in ay muquuniyaan shacabka ama dawladda, arrintaas oo ka dhacda gudaha dalka Maraykanka.

Hay’adda dambi barista ee dalka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI xataa waxay tilmaantaa in ficilkaas looga gol leeyahay “in loogu caga juglooyo ama lagu muquuniyo dawladda ama shacabka iyadoo arrimahaas laga leeyahay dano siyaasadeed ama mid bulsho.

Arrimahaas ayaa u muuqda in ay fure u yihiin – sida in qofka ficilka gaysanaya uusan kali ah uga gol lahayn in uu dhibaato baaxad leh gaysto balse uu isku dayayo in uu saamayn ku yeesho dawladda ama in uu afkaar gaar ah ku wato.

Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa soo dhigay sawirka ay ka qaadeen sharciga gobolka Navada waxayna su’aal galiyeen iyadoo sharaxaadu ay caddahay haddana sababta madaxa booliiska Las Vegas , Joseph Lombardo uu shirka jaraa’id uga yiri “ma ogin waxa uu aamin sanaa xiligan, hadda waxaan rumaysannahay in ficilkiisu uu u dhigmay yeey kaligeed duulaysa”. ( yacni kaligii ayaa dhibka gaystay).

Erayga “kaligii ayuu duulayay” waxaa Twitterka lagu adeegsaday in kabadan 200,000 oo jeer tan iyo markii uu weerarku dhacay. Erayga “weerar aragixisana” waxaa la adeegsaday in kabadan 170,000 iyadoo ay dadku ku doodayaan sababta uu farqi ugu dhaxeeyo waxa loogu yeerayo qofka cad ee dambi gaysta iyo dadka midabka kale leh.

Facebook ayay sidoo kale doodaasi aad uga socotay Mursal oo Indonesia jooga ayaa yiri: Looma arko argagixiiso caalami ah? Sababtuna waxaa laga yaabaa in wajigiisu uusan u ekayn mid Carbeed.

Mahmoud ElAwadi oo ah qof Muslim ah oo Maraykanka u dhashay ayaa sheegay sida uu uga murugooday marka uu warkaas maqlay, laakiin wuxuu faahfaahin ka bixiyay sida weerarkaas uusan dadka cad wax saamayn ah ugu yeelan doonin sidii qoyskiisa ay ugu yeesheen kuwii ay dadka Jihaaddoonka ah qaadeen.

“Markaste oo toogasho wadareed dhacdo waxay ka dhigan tahay in nolosha xaaskaygu halis ku jirto, sababtoo ah waxay dooratay in ay madaxa dadato, iyo in wiilkayga iskuulka lagu dhibaato maadaama oo Maxamed la dhoho, iyo in gabadhayda 4 jirka loola macaamilo si aan caddaalad ahayn iyadoo sabab looga dhigiyo in ay Af Carabi ku hadasho, Laakiin haddii qofka dhibka gaystay uu yahay caddaan iyo Masiixi markaas isla markaaba maskaxda ayuu ka xannuunsan yahay, wax kastana caadi ayay noqdaan.

BBC-du waxay leedahay hagid cad oo ku saabsan adeegsiga ereyada aragixiso iyo falka argagixiso iyada oo Ingiriis ahna lifaaqan ayaad ka akhrisan kartaa. BBC editorial guidance says:

Wax yar haddii aan ka soo qaadanana waxaa ka mid ah: “Ma jiro heshiis laga gaaray waxa ay yihiin argagixiso iyo ficil argagixiso, adeegsiga erayadaasna waxay la xiriiraan qiimayn aragti ku salaysan.

“Marka ay taas timaado ma badalayno erayga “argagixiso” marka aan qof kale ka soo xiganayno, laakiin anagu waan iska ilaalinaynaa adeegsigiisa.

“Taasi kama dhigna in aan ka gaabsanayno gudbinta xaqiiqada iyo mashaqada dhacda gaar ah ka dhalata; taas badalkeedana waxaan ka baaraan dagaynaa sida luuqadda aan adeegsano ay u saamaynayso sumcaddanada iyo mabaadiidanada saxaafadeed”.

Inkastoo ay aad u badan yihiin aragtiyada dhaliisha ah ee loo soo jeedinayo saraakiisha iyo saxaafadda sababta aysan Stephen ugu suntaynin argagixiso, haddana waxaa jira aragtiyo kuwaas ka duwan oo sababta lagu sharxayo.

Don Inverso ayaa Twitter-ka ku soo qoray aragtidan: “Ma aha fal argagixiso – aragagixisanimo waxaa loo adeegadaa si dadka loo argagax galiyo si ay u badalaan afkaartooda siyaasadeed iyo diimaha ay aaminsan yihiin. Arrinta hadda dhacday waa toogasho wadareed”.

XIGASHO BBCSOMALI