FAALLO:- Dawlada Soomaaliya oo ku guulaysatay Siyaasadeeda dhex dhexaadnimo ee xiisada Khaliijka…

Sida aan xogta ku hayno dawladaha Sacudiga iyo imaaraadka waa xulufo hadana kala socday mudadii ugu dan beysay, waxayna isku khilaafeen xiisada ka jirta dalka Yaman, kadib markii uu imaaraatka si cad u taageeray kooxo gooni u goosad ah oo doonaya inay kala gooyaan dalka Yaman ku waas oo xarun toodu tahay magaalada Cadan.

Wuxuu sidoo kale imaaraatku ka sameeyay Cadan ciidamo toos u hoos yimaada oo qal qal geliyay dawlada uu sida wayn utaageero Sacuudiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne HAADI,  hadaba waxay keentay arintaas in Sacuudigu uu aamini waayo hab dhaqanka wiilasha reer ZAID ee xukunka dalka Imaaraatka ku tagri fala.

Khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraatka wuxuu soo gaaray Soomaaliya, dhawaan ayay ahayd in Sacuudiga uu casuumaad gaar ah u fidiyay Madaxweyne FARMAAJO iyagoo waliba ku ixtiraamaya dhex dhexaadnimada dawlada Soomaaliya ee xiisada khaliijka, xili Imaaraatka ay dalkeeda ku shirinaysay siyaasiyiin Soomaali ah iyadoo siisay lacago yar si ay culays siyaasadeed u saaraan dawlada Soomaaliya si ay ubadasho mawqifkeeda dhex dhexaadnimada ah.

Imaaraatka waxaa ka muuqda in ay ka caroodeen hab dhaqanka iyo sida Sacuudiga u ixtiraamayo dawlada Soomaaliya, kadib markii la siiyay Xukuumadda Soomaaliya taageero dhaqaale iyo heshiisyo lagu hergelinayo mashaariic uu Sacuudiga ka hirgelinayo dalka.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa umaha celiyay Sacuudiga, taageerada ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen ee ahayd dhaqaale gaaraya 50 milayan doolar.

Siyaasada dalka ay ku hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa umuuqata mid horumar.

Leh oo soo cilinaysa sharafta iyo karaamada dawladnimo. Waxay sidoo kale muujisay Soomaaliya inay wali tahay dal go’aamadiisa umadaxbanaan.

Markii ay maqleen siyaasiyiintii Imaaraatka ku shirsanaa in dhaqaale ay heshay dawlada Soomaaliya waliba iyadoo dhex dhexaad ka ah arinta Khaliijka waxay garawsadeen in ay ukala dhuuntaan dawlada Soomaaliya si hogaamiye kasta maamul goboleed uu isu bad baadiyo, iyagoo Xukuumadda usoo dirsaday wafdiyo si ay uga laabtaan go’aankii imaaraatka ay ku taageereen.

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyne kuxigeenka Puntand CAMEY iyadoo Xildhibaano Federaalka ah oo kasoo jeeda KGS oo ergo u ah Shariif Xasan ay kulamo la leeyihiin RW Khayre iyagoo wada aragtida Shariif Xasan in ay is badashay oo uu wax walba uga danbeynaayo dawlada Soo maaliya.

Hadaba khilaafkii khaliijka ee dawladeena saamaynta ku yeeshay ayaa u muuqda inay ku adkaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre balse Imaaraatka oo uu dalaal u ahaa Cumar C/rashiid ayaan la ogeyn talaabada xigta ay qaadi doonaan.

Waxaan uga digayaa madaxda Qaranka inay ka feejignaadaan jalaafooyinka ay mar walba maleegayaan cadawga umadda Soomaaliyeed.

Anaga hadaanu nahay Shacabka Soomaaliyeed waan garab taagan nahay Xukuumadeena.

#Nabad&Nolol

W/Q: Xasan Kaahiye

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

FAALLO XIISO BADAN: Markay Madaxdeennu Dhageysiga ka doorbidaan Qoraalka
- Oct 24, 2017
Aalaaba way fududahay inaad wax bedesho. Balse way kasii fududahay marka aad hoggaamiye u ...
SAWIRRO: Talisyada Ciidan ee Xoogga dalka iyo Howl galka AMISOM oo kulamay
- Oct 24, 2017
Talisyada Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa shalay ku kulmay Xerada Xalane oo ah ...
Ronaldo Oo Ku Guulestay Abaalmarinta Laacibka FIFA Ee Sanadka
- Oct 24, 2017
Weeraryahanka Naadiga Real Madrid iyo xulka dalka Purtuqal ayaa ku guulestay abaalmarinta laacibka FIFA ...
TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Danjiraha Maraykanka U Joogta QM Oo Maanta Kulmi Doona
- Oct 24, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo maalintiisa 2-aad booqasho ku jooga dalka Ethiopia waxa uu maanta la ...
Sheekh Shariif Iyo Cumar C/Rashiid Oo Imaaraadka Uga Mahadceliyay Taageerada Ay Siiyaan Soomaaliya
- Oct 24, 2017
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaarihii hore, ...