DHAGEYSO+SAWIRRO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhow u ambabaxay Dalka Suudaan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda dalka Sudan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Suudaan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dalka iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Soomaalida kunool Sudan.

HOOS KA DHAGEYSO