XASAASI:- Sacuudiga oo sheegay in Saldhiga Turkiga ka furay Muqdisho uu Halis ku yahay Amnigooda

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si rasmi ah Todobaadkan u furay Saldhiga dowlada Turkiga ay ka sameysteen magaalada Muqdisho.

Hadaba Qabiir Falanqeeya Siyaasadda iyo Milatariga u dhashay Sucuudiga ayaa sheegay in Saldhigga Milatari ee uu Turkiga ka furay Muqdisho uu caqabad ku yahay amniga dalalka Carabta, oo ay ugu horreyso Sucuudiga.

TurkPress oo qoray maqaalkan sidoo kalena qariyay qabiilka Siyaasadda iyo Ciidanka ee fadhigiisu yahay Riyaadh ayaa sheegay in Saldhiggaas uu halis ku yahay amniga, Dalalka Sucuudiga,Masar,Yemen iyo Suudaan.

Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho ka furtay Axaddii la soo dhaafay Saldhig Milatari oo lagu tabababaryo Ciidamada Soomaaliya,waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Milatariga Turkiga iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Ibrahim al-Mari; oo maqaalkan Twitter-ka uga soo hadlay ayaa isna sheegay in Turkiga uu degayo maskaxda shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu xusay in Bil kasta $4Milyan oo dollar uu dowladda Soomaaliya siiyo Turkiga.

Waxaa kale oo uu sheegay in intaas ay dheertahay in Turkiga oo adeegsanaya awoodda jilicsan,ay waxbarasho dalkiisa u joogaan 15,000 oo Ardey Soomaali ah.

Waxaa kale oo uu soo qaatay dhismaha Waddooyinka,Dekadda,Airport-ka,Isbitaallada iyo dugsiyada waxbarsho ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Soomaaliya in ay yihiin kasbasho uu Turkiga ku sameynayo Soomaaliya.