Maamulka Degmada Baraawe oo Weerar Culus ku qaaday Al-Shabaab

0

Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan dagaalo ka dhan ah ururka Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka.

Bashiir Maxamed Yuusuf Guddoomiye ku xigeenka dhinac amniga degmada Baraawe ayaa waxa uu sheegay in qaban qaabadii ugu dambeysay ay ku jiraan, Ciidamadana ay ku jiraan sidii dagaal loogu qaadi lahaa ururka Al-shabaab.

“Qorshayaasha dhanka amniga waxaa ka mid ah meelaha hada ay ku sugan yihiin oo ummadda ay ku dhibaateynayaan in la gaaro, meelaha wabiga keymaha ah in lagu socdo, aad iyo aad ayaa qorshahaasi loo dejiyay mar dhowna jawaab ayaa la kala heli doonaa.” Ayuu yiri Bashiir Maxamed.

Sidoo kale Wuxuu yiri Guddoomiye ku xigeenka “Dagaal inaan ku qaadno ayaan rabnaa nimankan Duleedka Baraawe ma joogaan, waxay jiraan keymaha wabiga afkiisa, degmada Sablaale, dhulkaas ayay jiraan, Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM way ka qeyb galayaan Howlgalka.”

Degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab oo ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan maamulkaasi, iyada oo Koonfur Galbeed ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay uga saareyso degaanadeeda.