Soomaaliyeey waa maxay dawlad?

0

Waa su,aal aan u qabay in aan wada fahansanahay laakiin ay igu dhalatay in an dadka su,aalo,marar badana la macneeyey inta wax akhritaana qoraal ku heleen,waxaan qaynuunka caalamiga ah ku niqiin saaddex xubnood oo dawladu ka kooban tahay sida Golaha Fulinta,sharcidejinta iyo garsoorka,nidaamka Soomaalida waxaa ku soo kordhay mid afraad ee loo bixiyey dawlad goboleedyo ,kuwaas oo saddexdada ka weyn amarkoodana aan ogolayn.

Waxaa kale oo la yaab igu noqotay xubno ka tirsan golaha shacbiga iyo aqalka sare oo aan u aqaano haya,da ugu sareysa dawlada ee sharci dejinta in ay ku eedeenayaan khilaaf dawlada iyo maamul goboleedyada ee haatan ka aloosmay arinta khilaafka khaliijka dawlada Soomaaliya(DFS),ma ayyaga baa is eedaynaaya mise labada xubnood oo kale ,ma mid ka mid ah bay ula jeedaan,amase waa shaqsiyaad intaas ku dhex jira,dhinaca kale haddii farmaajo iyo kheyre ay noqotay dawlada oo dhan oo ay ula jeedaan labadaan shaqsi noo caddeeya fadlan.

Ann soo gabagabeeyee shacbiga iyo wiilasha baahan ee markii dan la leeeyahay laga dhigto xaabo dabka lagu shito yaan la marin habaabin,naftoodana siyaasi in uu sharciga asagu jabiyo u tafaxadan u qoonsan inta xabad u dhiibo,dhalinyarooy khada maalin ah naftiina iyo aakhiradiina ,siyaasiga shawlada qabiilka afuufa marka uu dan leeyahay uu idin seejin.aana ku soo kufiyo mar kasta waxa aan la hadlaa waa dhalinyaradee dalka ka difaacda waxa loogu yeeray maamul goboleed qabyaaladna yaan laydin ku beerdulucsan ,waxa la luminayaa waa mustaqbalkiina ,waxaadna saran tihiin isku doon dal iyo dibad meel kasta oo aad joogtaan.

Wa Bilaahi Towfiiq

W/Q,Cabdullaahi Jimcaale Faarax.