Ciidamadii laga saaray Cadaado oo xalay dib ugu laabtay

0

Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare kana soo jeeda degaannada Galmudug ayaa maalin ka hor ku guuleystay in ay Magaalada Cadaado ka saraaan Ciidamo beeleed Magaalada soo galay iyada oo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa Maamulka Galmudug.

Xildhibaannada ayaa Ciidamadan oo taabacsan Madaxweynaha Galmdug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa ay geeyeen degaanka Galinsoor,halkaas oo ay Habeen hore ku hoydeen shalayna ku hergaleen.

Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka islamarkaana ka mid ah xildhibaannada Ciidamadaas Magaalada ka saray ayaa xaqiijiyay in Ciidamadaas ay xalay ku laabteen Cadaado islamarkaan ay magaalada ka jirto cabsi ah in uu isku dhac yimaado.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadaallada ay u tageen Cadaado aysan wali ka quusan laakiin ay adag tahay sida ay hadda waxyihiin,waxaana uu intaas raaciyay in wali ay ku howllanyihiin dhexdhexaadinta ay ka dhexwadaan dhinacyada isku haya siyaasadda Galmudug.