AKHRISO:- KHILAAFKA GALMUDUG & SAAMEYNTA GOLAYAASHA FEDARAALKA.

0

In kasta oo Siyaasada Somaliya ku dhisantay awood-qeybsi Qabiil, Marjicna u yahay markii Khilaaf ama Crisis yimaado, hadana waxaa ka xoog badan Qabiilka; Kooxeysi, Xizbiyeysi, Xulafeysi, Wada Qaraabasho iwm.

Galmudug waxey ku tiirsantahay 90% Dawlada dhexe Ciidan iyo Dakhli ahaanba, mar kastana waxaa ku abtirsada Madaxweynaha ama Raisal-wasaaraha ama labadaba, waxeyna Miisaan culus ku leeyihiin Golayaasha Fedaraalka ama Caasimada, waxeyna taa qasab ka dhigtay in Maamulkeeda iyo Fedaraalku isku leeyihiin saameyn gaar ah (Nigative or Posative).

Dawlada Fedaraalka waxaa waajib guud ka saaranyahay ilaalinta; Dastuurka, Midnimada, Xuduudaha iyo Siyaadada dalka, hadii Qof ama Gobal ku xad-gudbo waa in ay talaab Siyaasadeed ama Ciidan ka qaado!.

Waxaan la yaabay Qoraalkii iyo Mowqifkii Saaxibadey Xildhibaanada Fedaraalka reer Galmudug (Fara-gelinta Madaxtooyada Somaaliya ee arimaha Galmudug) maxey ula jeedaan?

Fara-gelin Shisheeye ayaan ka caba-jirnay! Ee Madaxtooyadii miyuu Shisheeye naga qabsaday? Farmaajo iyo Khayre oo reer Galmudug ah miyeysan joogin Madaxtooyada? Miyaan loo dooran in ay Gobalada dalka oo dhan ka shaqeeyaan, farana-geliyaan? Idinku maxaad u fara-geliseen miyaad ka xigtaan? Goormee ayey Denbi iyo Ceeb noqotay in Madaxda Dalku fara-geliso Gobalada Dalka? Mise Xizbiyeysi iyo Kooxeysi ayaa idinka indha-tiray in aad Madaxtooyada, Golayaasha Fedaraalka iyo reer Galmudug aad isku wada tihiin?

Hadii Madaxtooyadu Khalad gashay waxaa la idinkaga fadhiyey in aad ku xisaabisaan Golayaasha aad ku jirtaan! Lkn aragtideyda waa Khalad in aad Cadaado War-saxaafadeed ka soo saartaan kuna eedeysaan Madaxtooyada Somaliya iyo Magaceeda oo xambaarsan Hay’badii iyo Astaantii Qaran-nimo, hadii dhaawac soo gaarana wuxuu taabanayaa dhamaan Somalida, gaar ahaan reer Galmudug oo hadda jooga!.

(Dudun dareynsi iyo dawaansi iskuma laha) maamulka Galmudug ma jiro karo Fedaraal iyo Madaxtooyo la’aanteed ee Nin aan furi-doonin yuusan rarin!

Hadii Xildhibaanadii tegay Galmudug ay lumiyeen dhex-dhexaad-nimadii, Madaxtooyaduna ka biya diiday; in Xildhibaano ay hor-kacayaan reer Daljir iyo reer Qabyo oo horay loogu bartay Mucaad-nimo aysan Nabadd usoo qaadi karin! Cabsina ay ka qabto in aysan daacad ka aheen, ee ay rabaana kaliya in ay ka sameystaan Kaar Siyaasadeed!.

Hadaba hadii arintu mareyso Midi Midi ku taag! Khilaafkii iyo Mucaaradkii Xukuumada Fedaraal-kana loo raray Galmudug! Khilaafka ka soo noqdana uu saameyn-doono Golayaasha Fedaraalka! Waxaan ku talin lahaa in Cadaado loo diro Wafdi Akhyaar ah oo ka koreeya reer Galmudug, kadib markii ay noqdeen Saaxiibo iyo Qaraabo isma indha buuxiyaan.

Dr. Gacal