AKHRISO:- Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan “GARASHADA RAGGA CADAADO TEGEY”.

0

“GARASHADA RAGGA CADAADO TEGEY”

Sida ku cad qoraalkooda iyo qoraalka Baarlamaanka Galmudug waxay fure u noqdeen dhib kasta oo meeshaas ka dhacay ka dib intii ay tageen:

1-waxay lagu eedeeyey inay yihiin hal garab oo ka mid beelo 11-lagu sheegay oo GM wada dhistay.

2-waxaa lagu eedeeyey inay iyagu sabab u ahaayeen xirista gegida Diyaaradaha cadaado oo saameyn dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid bulsho intaba yeelanaysa. Ogow wuxuu ahaa Airport dad gaar ahi dhisteen oo maalgeliyeen.

Waxay sidaa u yeeleen yaan talo loo dhan yahay imaan meesha iyagoo waliiba eedeyn kala dul dhacay dowladda federalka. Waa tasaruf layaab leh oo taariikhda raad ku reebaya.

3-Waxay kala xishoodeen ama kala baqeen Odaygii xaaf ahaa inay dhahaan ka noqo go’aankii iska horkeenay Maamulka GM oo waliiba dastuyrka DFS iyo kan GM ka hor-imaanayey halkay kula dhiirradeen 56 xildhibaan, Madaxweyne ku xigeen, Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo wadar ahaan noqonaya 59-Masuul inay dhahaan ka noqda go’aankiina.

4-Waxay ka xishoon waayeen eedayn ay kala dul dhaceen mas’uuliyiin la sheegay inay maalintii 5aad afduuban yihiin sida lagu sheegay qoraalka Baarlamaanka GM.

5-Waxay door bideen in GM laga soo bilaabo eber sida ku cad muuqaal la soo dhigay baraha bulshada laguna eedeeyey madax afduuban.

6-Waxaa lagu eedeeyey inay waqti geliyeen isla markaasna dhaqaale badan ku bixinayaan xilka qaadis lagu sameeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka GM.

7-Waxay ku fashilmeen inay la kulmaan oo wareystaan Xildhibaanada GM oo ah kuwii gaaray go’aanka xil ka qaadista madaxweynaha.

Adigu is waafaji waxaan ahey xal raadin oo hal dhinac baan u adeegayaa anigoo awalba hal dhinac ahaa madax afduuban.

Waxaan ku eedaynayaa inay talo diideen.

“Rabi talo ku filan ilaahow GM badbaadi”

W/Q:- Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan