SOOMAALIYEEY MAXAA HARAY OO LA SUGAYAA?!

0

Waxaa aan ahany wax lala yaabo su,aasha aan cinwaanka uga dhigay qormadaan ,wax garad kama dahsoona su,aasha qayladhalaanta ah ee sare dammane yeel kadiisa.

Hadal badan uma baahna arintaan,wuxuu soo wadaa yaan leys weydiin,dulucdaydu waa xaalada guracan ee manta uu ku sugan yahay dalka Somaaliyeed iyo dadkiisu, iley jiritaankooda baa isku xiran,dal dad Ia,aan ma jiro ,dadkuna dal Ia,aan sharaf iyo karaamo ma leh.

Waxaan lahayn wax aan ku faano 00 qab iyo sharaf intaba u ahaa qofka Soomaaligaa,kuwaas 00 ay ka mid ahaayeen,dalka ,dadka diinta iyo dhaqanka aanu lahayn,dalkayagu wuxuu ahaa shanta Soomaaliyeed, dadkayagu wuxuu ahaa Soomaaliga ku nool,dhaqanku wuxuu ahaa midka kawada dhexeeyey ee loo yiqiin dhaqan Soomaali,Diintuna waxay ahayd tan Islaamka 00 aan haysanay 100%.

Waxaad ogtihiin in kuwo sheeganaaya aqoonyahano,waaya,arag iyo siyaasiyiin ay dalkii Soomaaliyeed ee aan sare ku xusay inta soo dhaafeen Jamhuuruyadii xorta ahayd ay leeyihiin isma aamini karto ee federal ha loo qaybiyo,waana nala ku hirgeliyey ayyada 00 aan wax aftiya nala weydiin,ishaa macalin ah lix qaybood 00 mid walba oday iimaanka Ia, boors ku sito 00 ciduu uu doono ka iibsanaayo ama ka gorgorsanaayo in aan manta u kala qaybsanahay.

Waxaa 1001a jeeday 00 aan garan weyney in loogu talagalay in lagu dumiyo Jamhuuriyadii muga iyo miisaanka ku lahayd adduunyada iyo Afrikada madoow.

Dalkii Soomaalida ahaa iska daaye waxaa lays nacsiiyey intii ku dhexnoolayd jamhuuriyadii xorta ahayd dhulkiina loo qaybiyey .sow yaab maaha?

Diintii Islaamka 00 sharfta lahayd waxay mareysaa ,in laba wadaad 00 midba col wato inoo sheegayaan mid walba in uu shahiid yahay waa arin manta culumada dhextaal looguna talagalay in islaamka 00 Geska Afrika magic iyo milgo ku lahaa lagu xumeeyo.

Dhaqankii Soomaaliga ahaa ee naga dhexeeyey laba aan u kala qaado,wixii aan ku intifaaci jirney,hooy,hu.iyo qalab kala duwan waa dabar go,ayaan waxana ahayd astaan isku mid ah 00 aan ummaddaha kale uga duwanahay annaguna aan isku aqoonsano.Tan kale waa taariikh nolaleed iyo halgan wax iska cabin difaaca Soomaalinimada salka ku hayey laga soo biloobo Axmed Gurey,Siyyid Maxamed,SYL iyo SNL iyo ugu denbayn Kacaankiim1969kii Ocktoobar,wadadaas waa nala ka weeciyey ,meesha naloo wado waan arkaa laakiin waxan isweydiiya dakaygu waxay u garan la yihiin?

Aan soo gunaanado waa xeeladaha cadawgu adeegsado waa dagaalka maskaxda 00 aad iyo aad uga daran tan qoriga iyo xabbada.lntaas marka lagaa baabiyo waxay ku soo urureysaa Habaar weyn 00 aad u xun 00 Soomaalidu isku habaarto 00 ah sidaan (MAGACAA BA,).

Afartaas qodob haddayn weyno magaca Soomaalidu waa ba,ay,iminkana meel halis ah buu marayaa 00 aan u baahnayn isku halayn.

Isku soo wada duub dhalinyarada iyo mawaadinka duxdu ku hartayoow addinka baan idin la hadlayaa ee fadhiga ka kaca, dariiqii Soomaalinimada waxaan ku soo noqon karnaa in aan domino xayndaabyada Federaalka ee naloo sameeyey.

W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax
London, UK