GALMUDUG MAXAA LA GUDBOON? W/Q.Abdifatah Hassan farah

0

Galmudug waxa ay kamid tahay Maamul Goboleedyadda hoos yimaada Dowladda Dhexe Somaliya ee la aqoonsaday madaama Dalka uu Federaal noqday, waxaa Doorashadda Gudoonka Barlamaankeeda ay ka dhacay Cadaado 27 Jun 2015, waxaana Madaxweyne loo doortay 04 July 2015 Cabdikariim Xuseen Guuleed oo garab ka helayay Dowladdii Xasan Shiikh Xasan Maxamuud oo galaangal aan qarsaneyn ku laheed Doorashadda xiligaas dhacday.

Taasi waxa ay keentay in durba falcelin xoogan oo looga soo horjeedo maamulka uu hugaanka u hayay Abdikariim uu kala kulmo awooddo muuqda oo Degaanka ka jira.

Tusaale Maamulka G/dhexe oo horeyna u ahaa Maamulka Ahlusunna ayaa dib ula wareegay Dhuusomareb intii uu socday Shirkii Cadaado oo ay u arkayeen mid lagu xaqiray Doorkii ay lahayeen, Dolwaduna ay wadato dad iyada u gaar ah.

Taasi ma noqon mid laxaliyo si aysan saameyn u yeelan in la dafiro awood la xalin karay waqtigeeda, waxayna arintaasi keentay in Dhuusomareeb oo Galmudug Caasimad ka dhigatay looga dhawaaqo 01 July 2015 Maamulka G/dhexe oo Madaxweyne u doortay Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, sidoo kalana waxa uu leeyahay Barlamaan Maamulka G/dhexe, wuxuuna Maamulkani ka taliyaa Degaano muhiim ah oo ku yaal Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan waxaana isna Caasimad u ah Dhuusomareeb.

Waxa jiray Wadahadalo laisugu keeni lahaa labada Maamul oo dhacay lkn aan lagu guuleysan taas oo loo arkay in masuuliyiinta labada Maamul aysan tanaasul u sameeyn sidii loo heli lahaa hal maamul oo awood leh, Shacabkana samata bixiya, lagana door biday maslaxad gaar ah.

Waxa intaa dheer Magaalooyiinka Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri iyo Xarar dheere oo ah Degmoooyin muhiim ah kana kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxa maamula Alshabaab.

Caqabadahaas jira waxa ay keentay in uu is casilo madaxweynihii Galmudug Cabdikariim Guuleed arimo caafimaad 26 Febraayo 2017 inkastoo Barlamaanka horey u shegeen in xilka ay ka qaadeen.

Maxaa xigay kadib?

03 May 2017 waxaa Madaxweynaha loo doortay Axmed Ducaale Geele Xaaf kaasi oo balan qaaday inuu la heshiinayo Maamulka G/dhexe ee ku sugan Dhusomareeb, hase yeeshe kuma guuleysan arintaa waxuuna ugu danbeyn soo celiyay Wasiiradii Guuleed xilli laga sugayay Wasiiro cusub taasi oo dadku aragti ahaan ku kala qaybsameen.

Waxaa taasi xigtay in ay is qilaafeen Bilo kooban gudahood Masuuliyiinta Galmudug, kadib markii Xaaf uu sheegay in uu la saftay Maamulka Galmudug xulafada Sacuudiga, ayna kasoo horjeesteen arintaasi Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamaanka.

Taasi waxay keentay in xaaladdu faraha ka baxdo oo Xilibaanaddii labo qayb noqdaan, dhinac walbana dhaho waxaan xilka ka qaadnay Masuuliyiinta Maamulkaas.

Waxa jira qaar kamida Xilibaanada laga soo doorto Galmudug ay tagaan Cadaado si khilaafka loo xaliyo kuwaa oo dadaalay lkn caqabad la kulmay durba waxayna ku eedeyeen Dowladda Dowladda Somaliya in Khilaafka qayb ka tahay taasna ay keentay rajo xumada muuqata ee Godka ku dhacday

Hadaba Maxaa la gudboon Galmudug?

Waxa la gudboon aragtideyda arima soo socda:

1: In xoogga la saaro Shir dib u heshisiin aan faro galin laheyn lais kuna keeno Cuqaasha Degaanadda oo dhan

2: In hogaanka Galmudug hadey heshiin waayaan ay xilka dhamaantood baneyaan, si masuliyiin wada shaqeyn karta ay u doortaan Barlamaanka oo wada jira.

3: In Dowladda aysan fara galin ku yeelan go’aanka ay qaadanayaan Dadka Degaanka marka laga reebo Doorka fududeynta.

4: In wadahdal dhab ah kana maran dan gaar ah ay yeshaan Maamulada Galmudug iyo Gobolada dhexe si shacabka loo samata bixiyo loona helo Hal maamul oo lagu mideysanyahay.

5: In wadahadalada ay noqdaan kuwa toos ay u wada yeeshaan dhinacyadda is haya intii loo kala gar qaadi lahaa.

6: In hadii ay heshiyaan labada Maamul lagu shaqeeyo Caasimadda Dhuusomareeb si loo helo maamul fadhiya oo hela Mashaariicda Horumarinta Degaanada Maamulka.

FG: Talada adaa ku nool ee ayaddu kuguma noola.

Xiggo lkn ha xadin qoraalkan

Mahadsanidiin
Waxaa Qoray: Abdifatah Hassan farah