Ra’isal Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay Senator Franken

0

Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa Washington DC kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Soomaalida oo ay ka mid tahay xannibaadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto iyo saamaynta ay ku yeelanayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee Maraykanka.

Senator Franken ayaa sheegay xannibaaddan dhinaca socdaalku inay dhaawac u keenayso Soomaalida ku dhaqan gobolka laga soo doorto ee Minnesota.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka dagaalami doono islamarkaana barbar istaagi doono bulshada Soomaalida ah ee kala maqan haddii xannibaaddan socdaalku ay hirgasho.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 25-kii bishan ballaariyay amarkii uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo ka dhigay sideed wadan.

Lixda wadan ee horay xayiraada dhanka safararka ah loo saaray ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Suudaan, Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga saaray Suudaan, iyada oo lagu soo daray wadamada Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela,

Xayiraadda cusub ee socdaalka oo uu saaray Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay dhaqangaleysaa 18-ka October.