DHAGEYSO:- Guddoomiye Thaabid “ Ma aqbalayo in Ciidanka Amisom ay mar walbo dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho”..

0

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa bartiisa facebook so dhigay caawa inuu aad uga xunyahay  falki ay maanta ku kaceen ciidanka Amisom oo ay ku dhibaateen muwaadin Soomaaliyeed xili gaarigiisa uu ku watay waded  KM4 .

“Waxaan marka hore raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee gaarigiisa waxyeelada ay kasoo gaareen. Marna raali kama ihi in Muqdishaawiga ama Muwaadin Soomaaliyeed dhib loo gesto”ayu yiri Taabit

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay  la xiriireen  Amisom, jawaab deg deg ah ay ka sugayaa

Waxuu sidoo kale sheegay iney fari doonaan in ay ka bixiyaan  magdhawna ay ka bixiyaan cadaaladana ay horkeenaan askirigi dhibka geystay .

 

 

HOOS KA DHAGEYSO