Dowladda Kenya oo ku baaqday in Soomaaliya laga taagero dhinaca nabadeynta iyo la dagaalanka Al-Shabaab

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kenya Amina Maxamed oo khudbad ka jeedineysay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ku baaqday in laga qeyb qaato sidii nabad loogu soo daabuli lahaa Soomaaliya.

Amina waxa ay sheegtay in waddanku uu la kulmay xasillooni daro tobankii sano ee ugu dambeysay, taasi bedelkeeda ayay ugu baaqday xubanaha ka soo qeyb galay shirka QM in ay kordhiyaan taageerada Soomaaliya.

Waxay sheegtay in Muqdisho ay hada u furan tahay ganacsiga, loona baahan yahay maalgashadayaashu in ay tagaan, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

“Soomaaliya maanta waxay hirgalisay dowlad la soo doortay oo weyn taasi oo saldhiggeedu yahay Muqdisho, waxay ka shaqeyneysaa sidii loo abuuri lahaa nidaam federaali ah oo hannaan dawladeed iyo dib u dhiska hay’adaha dawladda”. Ayay tiri Amina Maxamed.

Waxay soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, iyada oo sheegtay ururka Al-shabaab in ay ka soo horjeedaan in ay nabad noqoto Soomaaliya, balse aysan arrintaasi suuragaleyn oo Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si adag ula dagaalami doonaan Shabaab.

Amina ayaa ugu dambeyntii xaqiijisay in Kenya ay sii ahaan doonto lammaane daacad u ah shacabka Soomaaliyeed islamarkaana sii wadi doonto si dhow ula shaqeynta dawladda federaalka ah, gobolka iyo beesha caalamka si ay Soomaaliya uga soo kabato colaadaha.