Maxaa sababa Dabar go’a Duurjoogta iyo Xaalufka Dhulka Soomaalida?

0

Dunida Aynu ku nool nalahay waxaa uu ilaahay ku abuuray noolayaal kala gedisan kuwaas oo midiba midka kale ku tiirsanyahay si toosa ama si dadban. Mid kasta oo kamida waxaan dareemI karnaa inay jirto ujeedo loo keenay iyo door uu ka ciyaaro nolasha aduunka diintuna waxay inoo cadaysay inaan ilaahay waxba ciyaar ciyaar isaga abuurin oo wax walba ay jirto xigmad laga lahaa. Hadaan milicsano waaya aragnimadeena imisa noole ayaan aragnay oo nolashiisu ku xirantahay mid kale ? .

sida noolayaasha oo dhan isugu tiirsanyihiin si lamida nolasha Aadanuhu waxay ku xirantahay jiritaanka noolaha kale ee aduunka la wada keenay. Madaama noola kasta uu door ka ciyaaro jiritaanka Dunida, dabar goynta mid kamida noolayaashii is buuxinayay waxay dheeli gelinaysaa bad qabka Koonka. Cilmibaarisyo badan oo la sameeyay waxay muujinayaaan xiriirka ka dhexeeya dabar go’ xawaayanaadka , cayayaanka, xamaaratada, duurjoogta, ama dugaaga iyo masiibooyinka kala duwan ee dunida ka dhacay sida abaaraha , fatahaada , cudurada IWM.

Kasokow muhiimada noolayaasha kala duwan u leeyihiin jiritaanka banii’adamka, waxay kaloo yihiin qayb kamida ilaha dhaqaale ee wadanka waxayna ka qayb qaataan quruxda iyo sara uqaadidada dalxiiska wadanka, tusaale ahaan wadamada geeska africa hadaan soo qaadano wadanka Ethiopia sida uuqoray wargayska African report 2016 kii itoobiya waxaa kasoo galay dalxiiska 3.4 billion dollor,http://www.theafricareport.com/East-Horn-Africa/ethiopia-earns-34-billion-from-tourism.html. sidaa mid lamida Kenya 2015 oo ay hoos udhacday waxa kasoo galay dalxiiska $837.21 million sida uu qoray wargaykas REUTORS http://www.reuters.com/article/kenya-tourism/kenyas-earnings-from-tourism-fall-3-pct-in-2015-idUSL8N18Z0QK. nooc kasta oo uuyahay xayawaanku ( subaac, Rabaayad ama mid najaas ah sida Dooofaarka iyo eyga} waa qayb kamida Hantida qaranka iyo lagama maarmaan nolasha aadanahu ku xirantahay.

Hadaba baraarug la’aanta, hubka galay gacmaha shacabka burburki kadib iyo maqnaanshaha siyaasadad qaran oo qusaysa ilaalinta degaanka iyo xayawaanaadka waxay kaliftay baabi’inta iyo bara bixinta qayba badan oo kamida noolihii Eebbe weyne ku abuuray gayiga.

Sababaha kor ku xusan waxaa dheer aragtiyo duugoobay oo bulshadu ka aaminsantahay noolayaasha qaar tusaale ahaan 1 sannad ka hor waxaan tagay goob tuula abaartii lasoo dhaafay dhexdeedii xilligaas waxaa faraba’an ku hayay dadka xoolaha waraabsanaya bahalka doofaarka oo dhulkii miyiga ahaa inta kusoo oomay naf la caari ah, maalin maalmaha kamida waxaa ka istaagay masaajidka wadaadki tuulada u ahaa shiikha wuxuna fidyooday , Dofaarka in la laayo ajar na lagu helayo dilitaankiisii xilligaas laga bilaabo doofarku wuxuu noqday shay lagu tartamo qurgoyntiisa waxaan lagu qaaday degaal barakaysan weerer loo arkayay. Taas midaan ka fogayn Dameerka ayay Somali badan aaminsantahay in cabiidintiisa ajar lagu helo oo waxay dhahaan “ Hadaadan silcin wuxuu ku dacweynayaa aakhiro”

Maqaadin sawirkaan qoraagu

Marka lagasoo tago aragtiyaha been abuurkaa ee diin ahaan ta loo qaatay dadka qaar , waxaa jira arima kale oo dhiira geliya dabar goynta deegaanka iyo duurjoogta.

Maqaadin sawirkaan qoraagu

Arimahaas aan so shegay waxaa kamida beecinta xubnahaooda dhagortooda ama ilkahooda. Tusaale ahaan meelaha qaar qofkii soo dila hal bahal oo kamida kuwa xoolaha cuna waxay dadka miyigu siiyaan qadar lacageeed oo kaash ah, arna waxaaba loo dhoofiya dibada sida foolka maroodiga iyo haraga shabeelka oo kamida xayawaanka somaliya kasii dabar go’aya . hadaba beryahan danbe waxaa soo shaac baxayay weerer lagu hayo dhurwaaga sida ugaarsi hilib ahaaneeed ayadoo awal lagu dabar gooyay sababa la xiiriira cunitaanka xoolaha la dhaqdo, si kastaba ha ahaatee waxaa dabkii baasiin ku daray markii la qaatay fikrad cusub oo oranaysa haraga waraabuhu wuxuu daawo uyahay Cudurada badan sida Jinka , sonkorta iwm waxaana degaanada somalida qaar kasocda olale dhaqaale oo lagu ugaarsanyo dhurwaaga.

Maqaadin sawirkaan qoraagu

Gunaanad iyo Talasiin

Badbaadinta noolaha waa mid ay musuuliyad kasaarantahay guud ahaan bulshada iyo dowladooda gaar ahaan hogaamiyayaahsa bulshadu waa inay xil iska saaraan sida Culumada, ururada bulshada, dhaqanka, siyaasiyiinta, dalladaha dhalinyarada iyo haweenka.

Hadaba si wax looga qabto dabargoynta xayawanaadka, nabaad guurka iyo barabixinta duurjoogtii wadanka quruxdiisa ahayd waxaa muhiima in la qaado tilaabooyin aan soo daahin dhanka bulshada iyo dowladda. Anagoo og inay jiraan wasaarado iyo urura maxaliya oo ku hawlan arimahan hadana waxaa muhiima in la wada dareemo cawaaqibka ka imaan kara baabi’inta noolaha ee caadada noqotay.

Hadaba si loola tacaalo dhibaatooyinkaan kor ku xusan waxaa muhiima in la fahmo inay isugu jiraan sababa dabargoystu dhowr arimood oo kala ah.

1. Sabab dhaqaale : tani waa mida ugu horaysa kana taagan iminka goobaha qaar , haday tahay iibinta haraga , dhuxusha iyo xaabada. Lama inkiri karo arimahaan qaar sida ( Xaabada) inuu dhiira gelinayo faqriga ka jira wadanka ayna adagtahay wax ka qabashadoodu walaw ay sido kale qayb katahay bulshada oo aan jeclayn isticmaalka gaaska sababa la xiriira iyana quraafaad aragtiyeed, si kastaba ha ahaatee waa lagama maarmaan in la helo siyaasad dhaqan gasha oo qusaysa dadka ku hawlan arimahaan si lo badbaadiyo dabargo’a noola.

2. Quraafaad laga aaminay diinta ; tani waxay ubaahantahay wacyigelin ku qotonta daraasad sax ah ayadoo ay iska kaashanayaan culumada iyo dowladu.

3. Quraafaad la iska aaminay sida inuu xawaanka dhagortiisa ama harigiisu daweeyo cudurada qaar taas oo ubaahanahaysa inay dhaqaatiirtu bulshada kala taliyaan.

4. Cabsi laga qabo subaacnimadooda : waxaan ognahay in xayawaano noola muda dhaw aan hada laga helin dhulka somalida badankiisa sida libaaxa Iwm : hadaba waxa loo baahanyahay in lakala maareeyo xoolaha iyo dugaaga , dugaaga iyo dadka si loo badbaadiyo dugaaga noolaha kalana uga bed helaan.

5. Baraarugla’aanta muhiimada noolaha kale sida dhirta iyo xayawanaadka: arintaani waxay ubaahantahay wacyi gelin qoda dheer sida in la faro dadka beerida dhirta iyo ilaalin noolaha kale. Ganacsatada aya sidoo kale ubaahan inay ku dhiiradaan maalgashiga xayawanaadka sii dabar go’aya iyo goobaha dalxiiska.

W/Q: Cabdinur Cabdirisaaq Soofe
Semptember, 17, 2017
Email: Soofe 101@gmail.com