DHAGEYSO: Khayre oo shacabka ugu baaqay in ay qaranimada ku dadaalaan

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, oo maanta ku beegan.

Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhammaantood is cafiyaan, in ay dalka u duceeyaan, in ay qaranimada ku dadaalaan, maadaama maanta ay tahay maalin farxadeed.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle uga rajeeyay sanadkan sanadkiisa in ay ku ciidaan caafimaad, bashbash, barwaaqo iyo amni.

“Waxaan dhamaan shacabka muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Munaaabadda Ciidul Adxaa, waxaan leeyahay sharaf iyo karaamo ku ciida, maadaama ay tahay maalin farxadeed shacabka waxaan ugu baaqayaa in ay is cafiyaan”. Ayuu yiri Khayre.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay waxa ay istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO