DEG DEG:- Shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho iyo Khasaaro aad u badan oo ka dhashay

0

Ugu yaraan 25 ruux oo saarnaa gaari nooca xamuulka qaada ah ayaa ku dhaawacantay kadib gaarigii ay saarnaayeen uu ku rogmaday meel u jirta3km magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Gaarigan ayaa ka yimid degmada Aadan Yabaal waxana uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho, dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa badankood loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho halka qaar kalana la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar.

Shilkan gaari oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaan la ogeyn sababta keentay in uu gaarigan rogmado balse maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Sheekh Cabdi Nuuni ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka shilkan waxyeelada ka soo gaartay isagoo xusay inay ka mid yihiin dadka la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.