DHAGEYSO:- Dowladda Uganda oo si kulul ugu hadashay qoraal ka soo baxay Al-Shabaab

0

Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dagaalkii shalay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka AMISOM, gaar ahaan qeybta Uganda ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo khasaare kala duwan geystay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Degaanka Golweyn oo ku yaala inta u dhaxeysa Shalambood iyo Buulo Mareer, kadib markii ay Shabaabku wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka yimid Degaanka Danow, kuna wajahnaa Buulo Mareer.

Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi looga dilay 12 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, halka 7 Askari oo kalena Wasaaraddu ay sheegtay in dagaalkaasi looga dhaawacay.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo la socday Ciidanka AMISOM ee la weeraray.

“Weerarkii Shabeellaha Hoose waxaa nalooga dilay 12 Askari oo ka tirsan AMISOM, 7 kalena waa nagala dhaawacay, Ciidankeena way iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, dhankoodana waxaan gaarsiinay khasaare.” Waxaa sidaasi lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca dalka Uganda.

Afhayeen u hadlay ururka Al-shabaab wuxuu sheegay Dagaalkan in ay ku dileen 39 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, qaarkoodna ay nolosha ku qabteen, dhowaana warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-