DAAWO SAWIRADA:- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha oo Xarun Weyn ka furatay Jowhar

0

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda laanta maamulka Hirshabelle.

Munaasabada xariga looga jarayay xarunta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Munaasabada ka sheegay in ay ku faraxsan yihiin in xarun laga furo magaalada Jowhar, sidoo kalena Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay ugu deeqeen dhul weyn si looga dhiso xarun ay leedahay Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa dhankiisa ka gudoomay Madaxda Hirshabeelle dhulka ay ugu deeqeen HSJ islamarkaana balanqaaday in laga dhisi doono dhawaan xarun weyn oo ay Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha leedahay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-