Yaa hadda kala goynaya Soomaaliya: Ma Dowladda Federaalka mise Maamulka Soomaaliland ee ay SNM-tu horbooddo? W/Q: Maxamed (Ragow)

0

Inta aan ka jawaabin su’aasha aan cinwaanga uga dhigay qormadeenna ee oroneysa: Yaa hadda kala goynaya Soomaaliya, Ma dowladda Federaalka mise maamulka Soomaaliland ee ay SNM-tu horbooddo. Aan marka hore ka waramo waajibaadka dastuuriga ee Dowladda Federaalka ka saaran dalka iyo dadka Soomaalida, Gaar ahaan midnimada iyo wadajirka cid kastaaba markaasi Dowladda ha hogaamisee. Aan sidoo kale ka waramo waxa igu qasbayo inaan qormadan iyo kuwa la midka ah qoro xilli aan ku noolahay Qurbe oo uu waqtigu adag yahay.
Walaalayaal, Dowladda Federaalka waxaa saaran waajibaad dastuuri ah oo uu Dastuurku si wacan u tilmaamayo, Kuwaas oo ka kooban ilaa shan qodob oo aan ka xusi karno difaaca qaranka, siyaasadda arimaha dibadda, jinsiyadda iyo socdaalka iyo dhowr qodob oo kale. Waxa uu sidoo kale Dastuurka Dowladdaasi tilmaamayaa in Madaxweynaha Dowladdasi uu sidoo kale saaran yahay waajib dastuuri ah, Gaar ahaan arimaha quseeya midnimada iyo wadajirka sida uu cadeynayo cutubka todobaad iyo qodobkiisa 87-aad ee Dastuurka dalka.

Qodobkan iyo farqooyinka hoosyimaadaba, Waxa ay leeyihiin ” Madaxweynaha Dowladda Federaalka waa astaanta midnimada qaranka, Iyo ilaaliyaha mabaadi’da aasaasiga ee Dastuurka” Marka la iskudaro qodobkan iyo qodobo kale oo Dastuurka ku yaallo, Gaar ahaan kuwa ka hadlayo wuxdada, Waxa ay dhamaantood cadeynayaan in ay danbi weyn tahay in dalka la kala gooyo. Waxa ay sidoo kale qodobadaasi danbi weyn ka dhigayaan in la qaado talaabooyin wax u dhimayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka duruuf kasaaba ha keentee.

Waa wax lala yaabo runtii in maalin walba Dowladda Federaalka iyo maamulada ka hoos shaqeeyaba ay ku dhaqaaqaan waxyaabo ka hor-imaanayo dastuurka dalka iyo dowladnimada. Tusaale ahaan, Maxaa lagu tilmaami karaa marka la soo saarayo miisaaniyad dhaqaale oo aan lagu darin qeybo ka mid ah dalka ? Maxaase kale oo lagu fasiri karaa marka la daawanayo heshiisyo uu galayo maamul sheeganayo in uu ka go’ay dalka intiisa kale, Xilii ay jirto sharciyad caalami ah iyo taageero dadweyne oo baaxadeeda leh mise qorshaha socda ayaa laga qeyb yahay ?

Haddii aan wax ka iraahdo waxyaabaha nagu qasbayo inaan qormooyinkan qorno, Anagoo waliba ku nool Qurbe oo uu waqtigu adag yahay ama yar yahay. Walaalayaal, Waxaa runtii na qasbayo waa dal jaceyl iyo dareemid masuuliyeed, Maxaa yeelay ma lihin dal aan dalkan ahayn. Mana lihin dad aan dadkan ahayn. Waana sababtaasi sababta nagu kalifeysa inaan qormooyikan qorno, Si aan wax uga badbaadino dalkeena iyo dadkiis oo runtii marayo marxalad adag oo u baahan in la wada gurmado.

Waa doqonimo iyo maangaabni in uu seexdo ama uu danihiisa gaarka ah qabsado qof Soomaali oo maanta dareemayo masuuliyad, Islamarkaana uu ku jiro dareen wadaniyeed. Sidee loo seexanayaa ama loogu mashquulayaa dano gaar ah, xilli ay Umadeennu mareyso marxaladdii ugu xumeyd ee ay abid marto. Sow lama arag dhibaatooyinka maanta ka jira gudaha dalkeenna ee uu ugu horeeyo dhiiggan qulqulayo ? Sow lalama socda dhibaatooyinka Soomaalida maanta ku haysta Qurbaha iyo dalalkii ay u qaxeen ? Aawayse diintii, dhaqankii iyo af-kii aynu lahayn ?

Walaalayaal, Haddii la xalin waayo dhibaatooyinka ka jira dalkeena, Islamarkaana la dhisi waayo dowlad loo wada dhan yahay oo wax ka qabata dhibaatooyinka jira, Waxaan shaki iiga jirin in Soomaaliya ay la wareegi doonaan dalal shisheeye, Islamarkaana ugu danbeyn ay noqon doonto goob lagu shubo sunta iyo qashinka laga soo waarido dalalka kale. Waxaan sidoo kale shaki iiga jirin in Soomaali badan ay ka tagi doonaan diintooda iyo dhaqankooda suuban. Sow midan arag shaarbahan banaanka yaallo iyo xijaabkan la iska tuuray ? Haadihii bidaayah…..

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucad qormadeena oo aan maanta cinwaan uga dhigay: Yaa hadda kala goynaya Soomaaliya, Ma dowladda Federaalka mise maamulka Soomaaliland ee ay SNM-tu horbooddo ? Anigu, Waxaan qabaa runtii in Dowladda Federaalku tahay midda hadda kala goyneysa dalkeena iyo dadkiisa, Waxaana eeddaasi u keeni doonaa tusaalayaal dhowr ah oo ka marqaati-kici doona xaqiiqda dhabta ah ee aan ka waramayo.
Sidan soo sheegeyba, Dowladda Federaalku waxa ay kala goyneysaa dalka, Iyadoo maalin walba qaadeysa talaabooyin dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka iyo madaxbanaanidiisa. Tusaale ahaan, Waxa ay dhowr casho ka hor ku qabatay Villa khiyaana shir ay ka soo qeybgaleen wax ay ku sheegtay maamul goboleedyo, Iyadoo shirkaasi aysan ku casuumin cid ka socota Waqooyiga dalkeenna, Taasi oo runtii ka dhigan inay rumeyneyso sheegashada maamulka Soomaaliland ee ah in Waqooyiga Soomaliya uu yahay dal ka madaxbanaan Koonfur iyo Dowladda Federaalka.
Talaabadan liidata, Ayaa waxa ay dhaawaceysaa wadajirka dalka, Sababtoo ah waxa ay si ficil ahaan u xaqiijineysaa ineyan dowlad u ahayn, Islamarkaana matalin dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkii la isku oran jiray Waqooyiga ee uu Ingiriisku gumeysan jiray. Sow ma hobooneyn in marka hore ay casuunto maamulka Soomaaliland, si uu uga soo qeybgalo shirkaasi maadaama ay u aqoosan tahay in uu la mid yahay maamulada kale ee dalka ka jira sida Buntland oo kale. Haddii uu diidana markaasi ay casuunto maamulada kale ee deegaankaasi ka jira sida Khaatumo oo kale ?
Waxay sidoo kale dhowr casho ka hor soo saartay wax ay ku sheegtay miisaaniyad u dhaxeyn doonta Iyada iyo waxan ay ku sheegeyso maamul goboleedyada, Balse aan Anigu u aqaano maamul beeleedyo u adeega Itoobiya iyo Kenya iyo fududeeyaal loo dhisay inay qariyaan boobka ku socda kheyraadka dalkeenna oo haatan gacanta ka sii baxayo, iyagoo markaasi ku badalanayo waxoogaa shilimaad iyo madaxtinimo aan raageyn sida hadaba taagan. Aaway dekadihii muhiimka ahaa ee laga doortay waxan loogu yeero xaqul-qalinka ?
Tan kale, Sidee bay u soo saareysaa miisaaniyad ay ka maqan yihiin gobolada qaar oo ay ku nool yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq ku leh dalkooda hooyo ? Sow taasi ma rumeyneyso sheegashada maamulka Soomaaliland ee ay horboodayaan shaqsiyaadka ku abtirsada jabhaddii SNM ee dalkan wax ka dumisay, Iyadoo isticmaaleysa hubkii ay Xabashida ka soo qaadatay? Haddii aysan xiriir la lahayn maamulka Soomaaliland, Hadabo may miisaaniyadooda ku soo daraan deegaanada uu ka taliyo maamulka Khaatumo, Si ay uga dhabeyso waxa ay sheeganeyso ee federaalka ah ?
Ma naga iibin kartaaa sheegashadeeda ah: Waxaan nahay dowlad dhexe oo masuul ka ah dalka oo dhan, Islamarkaana haysata sharciyad caalami ah oo ay Soomaalidu ku matali karto, Gaar ahaan marka la joogo maxaafisha dowliga ? Haddii ay sidaas tahay hadabo may u dhaqanto sida dowlad matasha dadka oo dhan. Maxaa keenayo in mar walba ay sameyso waxyaabo dhaawacayo midnimada iyo wadajirka, islamarkaana rumeynayo sheegashada maamul doonayo in uu ka go’o dalka intiisa kale. Haddiise aan waxba la qaban karin maa meesha laga tago ? Why dadka loo lugoynayaa ?
Tan kale, Maxaa kaloo ay u daawaneysaa oo aysan waxba uga oroneynin heshiisyada uu galayo maamulka Soomaaliland ee doonayo in uu ka go’o dalka intiisa kale mise Dowladdu waxa ay aamisan tahay in Maamulkaasi uu yahay dal gaar ah, Islamarkaana uu Isagu masuul ka yahay dhulkii la isku oran jiray Waqooyiga ? Haddiise arintu sidaasi tahay hadaba maxay Koonfur ka hayaan kuwan ka soo jeeda Waqooyiga sida Wasiir Bayle oo kale ? Ma waxa la awoodi weyey in la dacweeyo hay’adaha iyo dowladaha la macaamila maamulkaasi aan cidina aqoonsaneyn !!
Markan u nimaanno wadahadalada la sheego ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland, Waxaan arkeynaa in fashilku uu mar walba ka yimaado dhan Dowladda Federaalka, Maxaa yeeelay ma lahan wax aragti siyaasadeed oo ku aadan sida uu xal ku imaan karo ama maba hayaan wax badiil oo lagu qancin karo maamulka Soomaaliland iyo guud ahaan dadka reer Waqooyiga sida in xukunka labo loo kala qeybsado oo kale. Halka aad arkeyso in Soomaaliland ay caddahay boosiishankeeda iyo waxa ay dooneyso.
Waxay ahayd inay la timaaddo aragti lagu qanciyo taageerayaasha SNM oo runtii ah dad aad u xukun jecel, Islamarkaana faan badan, Ama ay Maamulkaasi la dagaalanto sida ay dowladuhuba sameeyaan, Iyadoo markaasi ka garab-dhiseysa maamullo kale oo ka soo horjeeda argtidooda guracan. Waxay kaloo ahayd in Maamulkaasi ay ka soo xirto albaabada dibadda oo ah halka uu ka nool yahay, Si uu markaasi uga tanaasulo fikirkiisa ku aadan gooni-isutaagga iyo kala goynta dalka oo runtii musiibo ku ah guud ahaan dadka Soomaalida, Gaar ahaan kuwa ku hoos nool gumeysiga Xabashida iyo Kiinyaatiga.
Anigu, Waxan filaayey in Dowladda Federaalka ee ay reer Koonfureedku horboodaan ay la imaan doonto xal dhab ah oo ku aadan tabashada dadka reer Waqooyiga oo had iyo jeer sheega in ay jirto cadaaladaro iyo sinaan la’aan ku aadan wax qeybsiga, Gaar ahaan awoodda iyo kheyraadka dalka maadaama la ahaa labo qeybood oo midoobay. Doodda caynkan, Ayaa ah mid sax, Maxaa yeelay waxa uu dalkan ka sameysmay labo qeybood oo xuroobay. Walow ay kala weyn yihin xagga dhulka, Hadana taasi kama dhigna in reer Koonfureedku qaataan wax walba oo yimaada sida hadaba jirta.
Marka aad u fiirsato maabka Soomaaliya, Waxaad dareemeysaa in Koonfuri ay wax badan ka weyn tahay dhulkii la isku oran jiray Waqooyiga, Hadana waxa ay ahayd in wax walba loo qeybsado koonfur iyo Waqooyi. Tusaale ahaan, Hadii reer Koonfureedku qaataan madaxweynaha, Waxay ahayd in ra’isulwasaaraha la siiyo dadka reer Waqooyiga. Halka golaha wasiiradana loo qeybsanayo labo qeybood oo isla eg, Gaar ahaan inta laga helayo axzaab siyaasideed oo ku dhisan aragti caafimaad qabta oo uu Alle raali yahay, Laakiin nasiibdaro taa ma dhihin. Waana middaasi midda qasabtay in ay caroodaan dad badan oo reer Waqooyi ah.
Tusaale ahaan, Ma isweydiiseen sababaha ku qasbayo in dadka reer Khaatumo iyo hogaankooda oo aad og tihiin halgankii ay Soomaali u soo galeen in ay maanta hoos fariistaan maamul doonayo in uu dalka kala gooyo ? Sidoo kale, Ma isweydiiseen waxa ku qasbay prof. Samatar in uu ka tago Muqdisho iyo Dowladda Federaalka, Gaar ahaan tii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh oo ahayd middii sababta u ahayd musiibadan iyo niyad-jabkan ku dhacay dadkii u heelnaa midnimada iyo wadajirka ?
Ugu danbeyn, Anigu iima muuqato dowlad daneyneysa midnimo iyo wadajir daleed, Bal waxaa ii muuqata dowlad ay u soo shaqo tageeen qandaraaslayaal iyo dalaaliin doonayo in ay iibsadaan dalka iyo dadkiisa. Walow aan eed badan u haynin Madaxweyne Farmaajo iyo raggiisa cusub, Hadana rajada aan ka qabo the whole system iyo shisheeyaha taageeraba kama badna 30%, Waana sababtaasi sababta aan u leeyahay waxa ay Dowladani kala goyneysaa dalka iyo dadka sababo la xariira qaadista talaabooyin dhaawacayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo runtii ah arimo aan lagu cayaari karin.

W/Q: Maxamed (Ragow)

Email. ragow1960@hotmail.com