DHAGEYSO:- Al Shabaab oo gaari wadada marayay ku weeraray gobolka Hiiraan iyo qasaaro ka dhashay weerarkaas.

0

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay jid u galeen Gaari kusoo jeeday degmada , islamarkaana ka yimid dhanka tuulooyinka Maxaas oo hoos yimaada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Gaarigaasi uu waxaa saarnaa Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, labo qof oo dumar ah iyo darawalka Waday Gaariga.

Dhinaca kale Gudoomiye Muumin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileen Darawalkii Gaariga, iyo Askarigii Ciidamada ka tirsanaa ,islamarkaana labadii qof ee dumar ahaana ay dhaawaceen Gaarigiina ay qaateen.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO