TOP DHAGEYSO:- Dawladda Soomaaliya oo Miisaaniyad gaar ah u sameynayso degmooyinka Gobolka Banaadir.

0

Shirkii guud ee Maamulka Sare ee Gobolka Banaadir ayaa galabta ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Gobolka Banaadir, Waxaana ka qeyb galay 17 Guddoomiye degmo ee Gobolka Banaadir.

Qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ah dardar gelinta howlaha Nadaafada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xaqiijinta ammaanka guud ee Muqdisho.

Sidoo kale Shirka waxaa looga hadlay oo si weyn looga dooday in Miisaaniyad gaar ah loo sameeyo Maamulada degmooyinka Gobolka, waxaana la isku raacay in Miisaaniyad gaar ah loo sameeyo Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in wax badan oo muhiim ah looga hadlay Shirka islamarkaana lagu balamay dhaqan gelinta qodobadii laga dooday.

HOOS KA DHAGEYSO