DHAGEYSO:- Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay degmada Qoryooleey

0

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee Dagamada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegay inay Dileen Sarkaalkii Hogaaminayey Ciidankii Al-Shabaab ee shalay Galinkii danbe Weerarka ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin dagmadaasi.

Taliyaha Booliska Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha Hoose  Korneel Cali Maxamed Aadan ayaa Sheegay in ay Dileen Saraalkii Al-shabaab ee Hogaaminayey Ciidanka Dagmada Soo weeraray ka dib Dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha Hoose  Korneel Cali Maxamed Aadan waxa uu tilmaamay in Ciidamada ay weerar  dabagal ahaa ay ku qaadeen Fariismaha ay kasoo duulaan tageen Ciidamada Al-shaabab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-