DAAWO: Gabar Muqdisho Taraafik ka ah oo Qaati ka Taagan Darawalada Ragga Ah

0

Hibo Cabdinuur Caddaawe waxay ka mid tahay ciidamada taraafikada ee baabuurta kala haga ee ka howlgala wadooyinka mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxay horay ugu tirsaneyd ciidamada booliska, gaar ahaan taliska degmada Shangaani.

Hibo ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay shaqada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso, hase ahaatee waxay tilmaamtay inay darawalada gaadiidka qaar kala kulanto aflagaado iyo in shaqadeeda la dhibaateeyo, laakiin kuwa ay caayda kala kulanto jawaabta ay siiso inay tahay “Jasaak-Allah”.

‘Kii i caaya iyo kii wax xun i dhahaba; intaba Jasaak-Allah ayaan dhahaa, waxna uma arko, waxaa iiga wanaagsan shaqadeyda oo aan si wanaagsan ugu soo baxo” ayey tiri Hibo.

HALKAAN KA DAAWO