DAAWO SAWIRADA:- Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay msuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

R’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo ka duulay Magaalada muqdisho ayaa waxa ay ka qeybgeli doonaan shirka Urur goboleedka IGAD,ee ka furmaya dalkaas, kaas oo Sanadkaan looga hadlayo dhibaatooyinka ka jira Sudanta Koonfureed.

Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayay in shirkaas uu ka qeybgalo balse sababo jira awgeed uu ka cudur daartay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn,ayaa iclaamiyay in uu shirkaas furmo sababo uu ku sheegay xaalado ad u xun oo ka jira Sudanta Koonfureed gaar ahaan Magaalada Jubba.

Ra’iisul Wasaare Kheyre,waa Safarkii labaad uu dalka dibaddiisa uu ku tago tan iyo markii loo dortay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyadoo uu horay u tagay dalka Qatar.

Hoos ka Daawo Sawirada:-