Madaxweyne Farmaajo oo laga yaabo inuu ka baaqdo shir todobaadkan ka dhacaya Addis Ababa

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laga yaabaa inuu ka baaqsado shir madaxeedka IGAD ee Isniinta soo socota ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo xilligan haya Madaxtinimada Urur Goboleedka IGAD ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir deg deg ah oo looga hadlayo Xaalada cakiran ee ka jirta dalka Koofurta Sudan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aanu shirkaas ka qeyb geli doonin, iyadoo lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha uu ka qeyb galo.

Warar laga helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu Axada soo socota u ambabixi doono Addis Ababa, si uu maalinta Isniinta oo uu shirka furmayo uga qeyb galo.

Sababaha Madaxweyne Farmaajo uga baaqsanayo shirkaas ayaa isugu jirta dhowr arrin, waxaana dadka qaar ku micneynayaan in Madaxweynuhu doonayo inuu ku yareeyo dhaliilaha maalmahan loo soo jeedinayay oo ahaa safarada badan, iyadoo markii xilka loo doortay uu illaa 10 jeer safray.

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay u buuxsantay boqolka maalmood ee uu xafiiska joogo ayaa difaacay waxqabadka dowladdiisa, mudadii uu xafiiska joogayna ay waxyaabo badan u qabsoomeen.

Horaantii bishii May ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu booqashadii u horeysay uu ku tagay Addis Ababa, inkastoo uu soo gaabiyay safarkiisa, kaddib dilkii Wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa

Itoobiya oo xilligan hoggaanka u heysa Madaxtinimada Urur Goboleedka IGAD ayaa saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya, iyadoo ay ka joogaan ciidamo fara badan