Al-Shabaab oo sheegay in ay laayeen Ciidamo ka tirsan Puntland, kuna dhawaaqay iney Saraakiil Sare toogteen

0

Ururka Al Shabaab ayaa ku faanay inay laayeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland, sidoo kalena ay qabsadeen gaadiid aad u badan, kuwaasi oo ah nooca dagaalka.

Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacadda Andalus ee afka Shabaab ku hadasha, ayaa wuxuu sheegtay in dagaalkaasi uu ahaa mid abaabulan, islamarkaana ay la wareegeen guud ahaan deegaanka.

Wuxuu sheegay inay qabsadeen deegaanka Af urur, kadibna halkaasi ay ku laayeen ciidamo badan oo Shabaab ka tirsan, waxaana uu intaasi ku daray Abuu Muscab inay sidoo kale qabsadeen gaadiid dagaal oo fara badan.

61 Askari ayuu sheegtay inay dileen, halka sidoo kale uu tilmaamay inay qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah ay yihiin gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland leeyihiin.

Ma cadda sheegashada Afhayeenka Shabaab ee ciidanka intaasi la eeg iyo gaadiidka dagaalka uu sheegay inay ku qabsadeen weerarka saaka aroortii ka dhacay deegaanka Af Urur.

Illaa hadda Saraakiisha ciidamada Puntland kama aysan hadlin weerarkaan culus ee Shabaab saaka aroortii ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Puntland ee deegaanka Af urur.

Shabaab ayaa inta badan aroortii qaada weerarada abaabulan ee ay la beegsadaan Saldhigyada ciidamada ka soo horjeeda.