TOP DHAGEYSO:- Xukuumad Soomaaliya oo soo saartay Siyaasad cad oo ku saabsan Xogaha dowlada

0

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in ay soo saarayaan Siyaasad Cad ah oo ku saabsan in aan la faafin Karin Xogaha Ciidanka Xooga Dalka.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la faafiyo oo Banaanka la soo dhigo waxyaabaha u qarsan Ciidamada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu ka shaqeynaya sidii loo qarin lahaa Xogaha Wasaarada Gaashaandhiga isla markaana loo ilaalin lahaa wax walbo oo u gaar ah Ciidanka.

Waxa uu tilmaamay in arrimo ku saabsan Ciidanka iyo Siyaasadooda aan laga hadlin Karin loona baahan yahay in la ilaaliyo.

Waxa uu Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ugu baaqay in ay ka taxadaraan faafinta xogta Ciidanka, waxa uu xusay in aysan dhici doonin in la isaga dhawaaqo dagaal.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Ciidamada Xooga Dalka ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan howsha adag oo ay hayaan, kana shaqeeyaan sidii AL-Shabaab loogu saari lahaa guud ahaan Dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO