DHAGEYSO:- Mahad Salaad " Madaxda Qaranka ee Ciidankeena kala qeybinayo in Waa in Baarlamaanka la horkeenaa oo la Fadeexeeyaa, Maxkamadna la soo taagaa"..

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka loogu baahan yahay in uu ka shaqeeyo difaaca Qaranimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dalka la doonayo in la boobo lana baabi iyo Ciidankii difaaci lahaa maadaama sida uu sheegay laga shaqeynayo sidii look ala qeybin laha Ciidamada Qaranka.

Waxa uu sheegay in Masuuliyad daro ay tahay in Madaxda Sare ee Dalka ay hormuud ka noqdaa qorshaha lagu kala qeybinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Maxkamad la soo taago Madaxdii ka dambeysay qorshaha Habdhiska Ciidanka Qaranka oo ay abaabulaya Madaxda Maamul goboleedyada Dalka.

“ Mudane Guddoomiye Waxaan qabaa in Baarlamaanka loogu yeero Madaxdii arrintaan ka dambeysay, Baarlamaanka la horkeeno lana Fadeexeeyo Maadaama Ciidanka Qaranka ay kala qeybinaya ayuu yiri Xildhibaan Mahad”.

Hoos ka Dhageyso Codka:-